PUNTLAND: Agaasimihii madaxtooyada Bosaso oo goor dhaweyd la dilay

0
578

Waxaa goor dhaweyd magaalada Bosaso lagu dilay agaasimihii xarunta madaxtooxyada Puntland ee Bosaso Aadan Gaas Huruuse, kaas oo la sheegay in rag hubaysan ay madaxa ka toogteen isagoo fadhiyay bannaanka hore ee hotelka Haruuse.

 

Marxuumka ayaa dhowr xabadood madaxa lagaga dhuftay, waxaana la sheegay in raggii dilka gaystay ay goobta ka baxsadeen.

Alle ha u naxariistee, Aadan Gaas Huruuse ayaa waxa uu muddo 12 sanno maamule ka ahaa xarunta madaxtooyada ee magaaladda Bosaso, wuxuuna ahaa nin oday ah oo da’diisu ay kor u dhaaftay 60 sano.

Waa dilkii labaad ee lix maalmood gudahood ka dhaca magaaladda Bosaso, iyadoo Khamiistii hore rag hubaysan ay ku dileen magaalada Bosaso taliye kuxigeenka booliiska Puntland G/sare Jaamac Saxardiid.agaasimaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here