Cristiano Ronaldo Oo Fariin Muuqaal Ah Oo Qiiro Badan U Diray Carruurta Ku Dhibaataysan Dalka Suuriya

0
632

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ka damqaday xasuuqa iyo musiibada lagu hayo carruurta ree Suuriya wuxuuna u soo duubay fariin qiiro leh oo muuqaal ah oo uu dhiiro galin wayn ku siiyay isla markaana uu ugu muujiyay in ay yihiin geesiyada dhabta ah. Cristino Ronaldo ayaa in uu ciyaartoy caan ah yahay balse caruurta Suuriya ay yihiin geesiyada dhabta ah.

Xidigan dhawaan ku guulaystay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ayaa fariin qiiro leh hawada u mariyay caruurta ay musiibada aduun ku haysato dalka carbeed isla markaana muslimka ah ee Syria. Ronaldo ayaa muuqaalkan ku sheegay in isagu uu la jiro carruurta Suuriya isla markaana ay haystaan aduunka oo dhan oo garab taagan isla markaana ayna lumin rajadooda.

Waa fariin rajo oo ku socota caruurta ay saameeyeen colaada Syria”.

Wuxuuna Ronaldo hadalkiisa ku bilaabay: “Hallo, tani waa fariin ku socota caruurta Syria, waanu ognahay in aad wax badan dhibtooteen. Anigu waxaan ahay ciyaartoy aad caan u ah laakiin idinka ayaa ah geesiyada dhabta ah. Rajadiina ha luminina, aduunyada ayaa idinka idinla jirta,waanu idin danaynaynaa, anigu idinka ayaan idinla jiraa”.

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.comronaldo-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here