Israel oo caro darteed safiiradeeda kala soo baxaysa waddamada Senegal iyo New Zealand

0
562
Ra’iisal Wasaaraha dalka Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa qaadaya tallaabooyin diplomaasiyadeed oo ka dhan dalalkii horkacayey qaraarkii laga ansixiyey Qaramada Midoobay ee looga soo horjeeday dhismayaasha dadka Yuhuudda ah ee daanta galbeed iyo bariga magaalada Qudus.
 

Netanyahu ayaa maanta oo sabti ah amar ku bixiyey in safiirada dalalka New Zealand iyo Senegal ay dib ugu soo laabtaan dalkooda si uu wadatashi dheeraad ah ula sameeyo maadaama waddamadaasi ay u codeeyeen qaraarkii shalay.

Codbixintii shalay oo jimca aheyd ka dhacday xarunta Golaha ammaanka ayaa waxaa horkacayey labadan dal, iyo weliba Malasia iyo Venezuela.

Sidoo kale Masar oo qayb ka ahayd ayaa dib uga guratay qaraarkan, ka dib markii Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump uu khadka telefoonka kula hadlay Cabdifataax al Siisi Madaxweynaha Masar.netenyahu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here