Mesut Ozil Oo Noqday Ciyaariyahanka Labaad Ee Sameeya Caawinaada Ugu Badan 100-kiisa Kulan Ee Ugu Horeey

0
565

(Qoryaalenews)29/12/2016 oselKubad sameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa sameeyay wax khaaska  ah kulankii West Brom, markaas oo ay kooxdiisa Gunners si dirqi ah ku badisay ciyaar ka dhacday  Emirates Stadium.

Kulanka wuxuu u ahaa Mesut Ozil mid khaas  ah madama uu ahaa kii 100-aad oo uu safto horyaalka Ingiriiska, balse wuxuu caawinaad ka geystay goolkii uu dhaliyay Olivier Giroud ee ahaa kii ay guusha ku hantisay Arsenal waqtiyadii ugu dambeeyay ciyaarta.

Mesut oo 2013 kusoo biiray Arseanl markaas oo uu kasoo hayaamay Real Madrid ayaa dhaliyay 20-gool guud ahaan waayahiisa horyaalka Ingiriiska, inkastoo uu dhanka caawinaada ka heysto rikoor fiican.

Kaliya Eric Contana ayaa ka badan caawinaadda lagu sameeyo 100-kulan madama xidiga Jarmalka ah uu caawiyay 36-gool, halka halyeygii h–e Manchester United uu isna caawiyay 39-gool, 100-kiisii kulan ee ugu horeeyay horyaalka Premier League.

Xidigii h–e Man United Luis Nani ayaa kusoo xiga kaas oo 34-gool caawiyay, halka Juan Manuel Mata uu isna caawiyay 31-kulan, haka reebin Dennis Bergkamp (30) iyo xidigii h–e Newcastle United Nolberto Solano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here