Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muse Bixi Oo Gaadhey Degmada Taleex, shacabkana Khudbad U Jeediyey.

0
604

 

Taleex (QoryaaleNews) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murashaxa madaxweyne ee xisbigaasi ayaa maanta gaadhey degmada taleex ee xarunta u ah gobolka Xaysimo.Waxaana guddoomiye Muuse Biixi socdaalkiisa ku wehelinaayey wafti balaadhan oo uu kamid yahay wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Waftigan ayaa markii ay soo gaadheen degmada taariikhiga ah ee Taleex waxa si weyn usoo dhoweeyey dadweynaha halkaasi ku dhaqan, iyaga oo kusoo dhoweeyey caleemo qoyan iyo calamada xisbiga KULMIYE iyo Somaliland.

Waxaana goob fagaare ah kala hadlay dadka guddoomiye Muuse Biixi iyo wasiiraddii la socday, iyaga oo caawana u hoyday goobtaasi.

Guddoomiyaha ayaa booyado biyo ah iyo raashin ku caawiyey dadka degaanka oo abaar ba’ani ay ku habsatay.

Waxaanu ka soo ambabixi doonaa maalinta berri ah oo uu kusoo noqon doono gobolka Sool.muse-bixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here