Wayne Rooney Oo La Xaqiijiyay Inuu Seegayo Kulanka Man United Ay Wajaheyso Middlesbrough.

0
895

Hargeysa(QoryaaleNews)Wayne Rooney ayaa seegi doona kulanka Manchester United ay la ciyaareyso Middlesbrough isagoo weli la dhibtoonaya dhaawac jilibka.

Rooney ayaa seegay kulankii Boxing Day ee ay Old Trafford kula ciyaareen Sunderland, waxaana Jose Mourinho uu xaqiijiyay in 31 jirkaan uu seegi doono kulanka ay gurigooda kula ciyaarayaan Middlesbrough.

“Waa uu maqan yahay” ayuu xaqiijiyay Mourinho, markii la weydiiyay haddii jirto waqti la filayo inuu soo laabanayo Rooney waxa uu ku jawaabay: “Maya, ma jirto.”

Mourinho ayaa ka horimaanaya Aitor Karanka oo macalin u ah Middlesbrough waana caawiyihiisii markii ay wada joogeen Real Madrid, iyadoo kulanka berri uu yahay markii ugu horeysay ay iska horyimaadaan.

15 dhibcood ayaa u dhaxeysa kooxaha Middlesborough oo 15 ku jira in United oo kaalinta lixaad ku jirtawayne-rooney-manchester-united_3853806

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here