Aqoonyahan C.rashiid Xasan Mataan Oo Hal Ay Hilmaameen Uu jeediyay Musharaxiinta Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani, Uguna Baaqay Ilaalinta Midniimada Shacabka.

0
665

Hargeysa(QoryaaleNews)     Aqoonyahan C.rashiid Xasan Mataan Oo Hal Ay Hilmaameen Uu jeediyay Musharaxiinta Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani, Uguna Baaqay Ilaalinta Midniimada Shacabka.

Hargeysa(Sahan) Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sharaxaay Hirdaanka siyaasadeed ee xilligan ka dhex aloolsan musharaxiinta xisbiyada waddani iyo kulmiye oo maalmihii ugu dambeeyay warbaahinta isku marinayaay hadalo xanaf leh, wuxuuna xoghaye cabdirashiid xasan talooyin dhaxalgala usoo jeediyay musharaxiinta xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, isagaa dhanka kale weedh dhaleecayna ku Ganaay Musharaxa Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha xisbiga talada dalka hayaa ee Kulmiye, Ugu Horeyn Cabdirashiid Xasan oo Talooyin usoo jeediyay Musharaxa xisbigiisa ee Waddani waxaa uu Yidhi ” Musharaxa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ah musharaxa xisbiga aanu kasoo jeedno ee waddani fariin ayuu diray shalay(doraad) fariintaas waxaa ay ahayd mid cadho ku yidhi, masuulna cadho waa looga roonyahay cabdiraxmaan waxaan leeyahay waxaad xaqiiqsataa in muuse biixi siduu doono haku soo baxee yahay musharaxa kula tartaamaya waxaa aynu ku tartamayna waa shacabka Somaliland oo wadajira oo Aan qaybsanayn waxaa aynu ubahanahay inaynu iska ilaalino waxkaste oo qaybinayaa shacabka oo ilaalino wadajirka shacabka ”

dhanka kale Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan waxaa uu Asiibay Musharaxa Jagada madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi isagaa ku tilmaamay shaqsi laga reebay musharaxiin lahayd haanka madaxweynenimo, balse maanta Aan lagaa reebi kariin Musharaxa cabdiraxmaan Cirro waxaana hadaladiisi kamid ahaa ” muuse biixi waxaan leeyahay sidaad doonto kusoo baxaa hadii shalay lagaa reebay, Axmed Xuseen Cisse, hadii shalay lagaa reebay Cabdicasiis Samaale, hadii lagaa reebay Jamaal Cali xuseen, hadii lagaa reebay diblomaasi sarre maxamed biixi yoonis, ee waxaad xaqiiqsata inanay jiriin cid ka reebi kartaa Cabdiraxmaan Cirro ee isagaa ayaad Tartamaysaan, wixii aad ku tartamaysaana waa inuu noqda madal wanaagsan, shacab mideysan waxaa loo bahanyahay inamatanad adiga iyo cabdiraxmaan isku timaadan shacabka si wadaa jira ula hadashaan eedaha shaqsigaana ka noqotaan ” ayuu Yidhi Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan.

Gabgabadii Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga mucaaridka Waddani waxaa uu xukuumadda somaliland ku edeeyay mid fududaysay ama albaabada ka furtay hadalka is Horfadhisiiga dawlada federaalka Soomaaliya waxaana uu Yidhi ” Alle ha unaxaristee Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale Qufuul weyn oo shuruudo leh ayay ku xidheen,qufulkaas cidda jabisay ee albaabada balqaday waa xisbiga kulmiye markaa warqad fadaraal cid inagaa iibin kartaa amaa inagaa cabsiin kartaa ma jirto, waxaa aynu uu bahanahay Tartan Wanaaagsan iyo waxaa Aan Umada qaybiin ” ayuu hadaladiiska kusoo xidhay Cabdirashiid Xasan Mataan, Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Waddani

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here