Murashax Cabdiraxmaan Ciro Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Siyaasiyiinta Iyo Aqoonyahanka Beesha (Tol- Jecle ) Oo Cududooda Ku Biiriyey Waddani

0
668

Hargeysa(QoryaaleNews)

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah magaalada Hargeysa ugu sameeyey mudanka odeyada, cuqaasha, dhallinyarta iyo aqoonyahanka ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq ee Tol-jecle.

Hadhimo sharafeedkan oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, xoghayaha dhallinyarta iyo ciyaaraha WADDANI Md.Yoonis Axmed Yoonis, Jiif Caaqil Maxamed Aw-Cismaan Muxumed, Caaqil Xasan Maxamed Yuusuf, Maxamed Muxumed Axmed (Dhuul-cun), Dr.Axmed Weli Daahir, Siyaasi Cabdiraxmaan Binge, aqoonyahan Yoonis Axmed Yoonis iyo odeyaal, aqoonyahan iyo dhallinyar aad u tira badan oo ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq, waxa kale oo kulankaas goob-joog ka ahaa Suldaan Nuur Faarax, Jiif Caaqil Siciid Marti-laaq iyo weli ba sida oo kale odey Xariir Dhaka-buur.

Kulankan hadhimo sharafeedka ah, ayaa ujeedkiisu daarnaa siddii ay labada dhinac ba iskaga xaal waraysan lahaayeen xaaladda guud ee dalka, waxaana hadalo ay halkaas ka jeediyeen xoghayaha dhallinyarta iyo ciyaaraha WADDANI Md.Yoonis Axmed Yoonis, Jiif Caaqil Maxamed Aw-Cismaan Muxumed, Caaqil Xasan Maxamed Yuusuf, Maxamed Muxumed Axmed (Dhuul-cun), Dr.Axmed Weli Daahir, Siyaasi Cabdiraxmaan Binge, aqoonyahan Yoonis Axmed Yoonis iyo odeyaal kale oo ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq ay muujiyeen sida ay uga war-warsan yihiin halka ay marayso xaaladda guud ee dalka, waxaana ay carabka ku dhufteen in Xisbiga WADDANI uu yahay Xisbiga kaliya ee ay maanta aaminsan yihiin in dalka ka saari karo dhibbaatadaa adag ee uu ku jiro, iyaga oo sida oo kale xusay in Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi uu yahay nin dadnimo iyo dhaqan wanaagsan ba leh oo umadda isku wadi kara.

  Cuqaasha, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq oo sida oo kale hadalkooda sii wata, ayaa waxa ay halkaas kaga dhawaaqeen in ka dib wada-tashi ballaadhan oo ay dhexdooda soo sameeyeen iyo weli ba sida oo kale ka fiirsi badan oo ay ku soo qiimeeyeen xaaladda Xisbiyada dalka ay maanta ku dhawaaqayaan in ay si mug iyo miisaanle u la midoobayaan Xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in ay u arkaan Xisbiga kaliya ee beeshaasi ay ka heli karto saamigii dawladnimo ee ay xaqqa u lahaayeen, waxaana ay si aada u dureen Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in uu yahay Xisbi kala qoqobaaya dadka oon dan iyo mid mustaqbal toona u lahayn qaranka Somaliland.

Suldaan Nuur Faarax, Jiif Caaqil Siciid Marti-laaq iyo weli ba sida oo kale odey Xariir Dhaka-buur oo iyagu na halkaas hadalo kala duwan ka jeediyey, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in curadkii Sheekh Isxaaq(Axmed Sheekh Isxaaq/Tol-jecle) uu maanta cududiisii taageero ku mideynaayo Xisbiga WADDANI, iyaga oo xusay in beesha Axmed Sheekh Isxaaq ay qiime-weyn ku lee dahay qaranka Somaliland isla mar ahaantaana halkii ay raacdo uun ay maanta guusha tartanka Doorshadu raaci doonto.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa dhawaaq dheer ku muujiyey in uu aad ugu faraxsan yahay in mudankii cuqaasha, odeyada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhallinyarada ee ka soo jeeda beesha Axmed Sheekh Isxaaq ay iskood u soo go’aansadaan in ay taageeradooda iyo cududooda ba ku biiriyaan Xisbiga WADDANI, waxaana uu carabka ku dhuftay in markii hore aanay ka maqneyn Xisbiga balse imaanshahooda guud ee maanta na uu muujinaayo ifafaale horle oo tilmaamaya in Xisbiga WADDANI uu ku guulaysan doono Doorashooyinka soo socda

hadQoryaaleNews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here