Sanadihii tegay iyo waanadii iyo gogotuskii aan soo jeediyey/Muse Cali Nuur

0
559

sanaddadii tegay ee xukuumada xilka haysa waxaan soo jeediyey talooyin badan oo aan islahaa wax ku toosi iyo hogo tusaale yaal badan oo u badnaa tixo. waxaa koow ka ahaa, tix-da hibosho. 7/17/2014 1. Hogaan wayn hadii aad tahoo haybad lagu saaro 2. Umadduna hanwayn kugu qabtoo kugu hadaaqayso. 3. Hagar looma quudhiyo waxaan kugu haboonayne. 4. Waa loo hagaajaa tashiga, hodiddu waa ceeb-be. 5. Hadaad hebelo kuu gaara iyo kooxyar ku habsaanto 6. Hadii aad habaarqabe danliyo hoodif daba boodo. 7. Hadii uu halkuu doonayiyo hilin ku qaadsiiyo. 8. Adna aad horaantaba ogoli, hadal ku maamuusto. 9. Hadii qalinku kuma hiifayee, aad hawl yaraan fulisid 10. Oo Isaguna hamuun waa qabee, halabsadoo qaato. 11. Ogoow-weey hoggiii aakhiray hibosho taalaaye. 12. Ogoow-weey xigaal soo hogtiyo, hiilna waa maya’e.

waxaa kale oo la mid ahaa tixdan oo tusaaleyaal badan leh oo aan kasoo dheegtay habdhaqanka rag badan oo qarankan hagardaamo ugu jilan intaan ogahay. waxan soo xulay qaybtan hore aniga oo aan soo wada gudbin karin duruufo jira awgood. 22/9/2016 tixdii tabaale

1-talla-diyo tusmada, toosaniyo toobiyaha tooyga. 2-tusaalaha tamootida, tagtiyo taagantiyo toobta. 3-tilmaamaha nasteexaan tolkaay, taako dheerahay. 4-turuq-qii ninkaan, tacab ku dhaqan teeyo iyo taamud. 5-tuulada ninkii taaganee, qaad u tahantoogay. 6-waxaad iga tidhaahdaan wakhtigu kugu tabaaloow. 7-tagoog waliba teedii kalay tacab wadaagaane. 8-tuurmada tallaabada markaad tamashle toorayso. 9-halkaad tiigsanaysiyo cidaad toyasho taabayso.

10-waxay taadu taam kuugu noqon tiirarka ilaahe. 12-mataannuu ninkay talax gabeen, turuqyadii xoog-gu. 13-tiska oodda taab iyo wadaan ceel ma toocsado’e. 14-tolkii diide, tiisuun u go’ay tiqile faajeer ah. 15-haddii tookh qabiil, iyo dagaal laysku tawsiiyo. 16-markay tiisu keli taagan tahay, tu’ alle mooye. 17-waxaad iga tidhaahdaan wakhtigu kugu tabaaloowye.

18-talaatiin markuu jiray haddii toorka laga quusto. 19-tuldaa sabada daaqiyo hadduu xaynta tirinwaayo. 20-tuullaha in loo diro,haddii lay is tusaaleeyo. 21-far hunguri taraariya hadduu toban bilood qaato. 22-wuxuu taaj u qataa inuu rag u tunwaynaaye. 23-goortuu mushtari taam ah iyo tacab xalaal waayey. 24-da’dana ay timaha sare cir-radu tiixa ka caddaato. 25-tulush orodka goortuu tolkii odday-yo tuunyeeyo. 26-xil iidoon tanbaan qabanaya, tuurta igu qaata. 27-kursigii tolaalaa ahaa lagu tudhaaleeye. 28-khasnadaha inuu tuuran,iyo inuu wax tuugaysto. 29-tubteedii ayuu maray ninkii khayr ka tebayoow’e. 30-waxaad iga tidhaahdaan wakhtigu kugu tabaaloow.e

waxaa kale oo kamid ahaa tixdii Xabaalo-fure- soobir ah, oo ahayd tix aad aan ugu dhaliilay dad aanan magac dhabin balse si guud aan ugu gudbiyey baraha bulshada, hadana aanan soo wada gudbin karin.

waxaa waayadan jiray salaadiintii, garaadadii iyo cuqaashii oo loo aqoon saday siyaasiyiin markastana ka hadlaaya masayrka beeshooda ee siyaasadeed taas oo meesha ka saartay awoodii iyo xilkii madaxda qaranka ee wada jirka loo doortay, waxaa idinkala wadaayagaa qaybtan o dextaal ahayd

6/10/2016 ma xabaalo-fure soobiraa, salag-le kaynteena? ma raasaha dadkii sula dhintuu, saaka qodanaayey? ma anaa sarbeeb gobanimo saraya, uub saag ah.? ma suldaan wasiir iga noqdaan samac ka dhaawraayey.? nin raggoow i suuree murtidu, iga sal weeyaane. sawdhoow ka joog hadalku waa sogordahaygiiye. siqiiroow idhaawr saadambaan, kuu sir baxayaaye. siyaasoow haddudin xaalku waa laysma seegaane.

 

 

lasoco qaybta labaad

muuse cali nuur amaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here