Qofka ugu da’da Weyn Caalamka oo Arin Cajiib Ah Sameystay

0
548

daa

Ninka ugu da’da weyn dunida Saparman Sodimejo  oo dhawaan sanadkiisa gaaray 146-sano ayaa loo sameeyay xaflad dhalasho ah.

Ninkaan oo lagu naaneyso Gotha ayaa dhashay 31kii Disembar sanadkii 1870-kii sida ay xaqiijisay waaxda diiwaangelinta dadka ee wadanka Indonesia.

Saparman Sodimejo   oo ku magac dheer Gotha waxaa uu ku nool yahay tuulo lagu magacaabo Java oo ku taalla bartamaha wadanka Indonesia, weli waxbuu arkaa inkastoo awooda jirkiisa ay aad u daciiftay.

“Wixii ka dambeeyey sanadkii 1992-dii, oo haatan la joogo 24-sano waxaan isku diyaariyay dhimasho balse wali waa noolahay, waxyaalaha qaar si wanaagsan uma arko, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ahay ninka ugu da’da weyn dunida”, ayuu yiri Saparman Sodimejo.

Waxa uu lahaa ninkan afar xaas oo tii ugu dambeysay geeriyootay sanadkii 1988-dii, waxaa sidoo kale geeriyooday dhamaan caruurtiisii, xiligana waxa gacanta ku haya oo xanaaneeya caruur oo awoowe u yahay oo iyaga laftooda da’ ah iyo wixii ay sii dhaleen sida uu sheegay Mr Saparman Sodimejo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here