Murashaxa WADDANI Oo Gurigiisa Ku Booqdey Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

0
514

buba

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa gurigiisa ku soo booqday Afhayeenka Xisbigaasi Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo dhaawac fudud oo jabniin ahi ka soo gaadhay lugta ka dib markii uu ku siibtay mar-marka gurigiisa.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu horreyn xaaladdiisa caafimaad ka waraystay Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxaana uu u sheegay in hada uu xaalkiisa caafimaad fiican yahay isla mar ahaantaana lugta ay ka soo gaadhay dhaawac fudud oo Jabniin ah.

Guddoomiye Cirro, waxa uu Alle uga baryey in uu u sahlo isla mar ahaantaana uu si deg-dag ah u caafimaad siiyo sida oo kale uu uga soo kabto dhaawaca jabniinka ah ee soo gaadhay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here