Arooska ugu qaalisan Qaaradda Asia oo la qabtay.

0
630

Waxaa dhawaan Xaflad aroos aan nooceeda horey dunida loogu arag laguna qabtay Qasriga Ugu wayn dunida ee Nuur Al Iiman ayaa ka dhacay dalka aadka u yar ee Brunei, waxaana xafladan arooska loo dhigayay Wiil uu dhalay Boqorka Dalkaasi iyo gabar uu calmaday.

Amiir Abdul Malik, oo 31 jir ah ayaa guursaday gabadha lagu magacaabo Dayangku Raabiatul, waxaana xaflada arooskooda lagu dhigay Qasriga dunida ugu weyn oo ka kooban 1,788 qol , in ka badan 10-hool , waxa uu sidoo kale qasrigaasi leeyahay qeybo kale oo u badan goobo lagu raaxeesto.

Waxyaabaha layaabka leh uu arooskan ku soo jiitay Indhaha Caalamka ayaa ahaa in dharka ay wataan Wiilka Boqorka iyo gacalisadiisa waxyaabaha uu ka sameesan yahay ay kamid yihiin Dahab iyo Luul, waxaa sidoo kale dahab ka sameesan kuraasta ay ku fadhiyaan .

Xaflada arooska ee loo dhigay Wiilka uu dhalay Boqorka Brunei Hassanal Bolkiah oo lagu tiriyo in uu kamid yahay dadka aduunyada ugu lacagta badan , waxaa kasoo qeyb galay dad aad u badan waxaa sidoo kale lagu martiqaaday xaflada arooska Boqoro , madax kale iyo marti sharaf ka kala timid wadamo kala duwan .

– See more at: http://raadraacnews.com/Raadraacnews/2015/04/arooska-u-qaalisan-qaarada-aasia-oo-la-qabtaysawiro/#sthash.D52ml0ap.dpufboqor_4-300x248

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here