Cabdiraxmaan Cirro Oo Caawa Goroda U Laalaadiyay Muuse Biixi Iyo Waxa Uu Daaran Yahay Guure Uu Ku Galay Gurigiisa

0
502

Hargaysa(QYN ) Iyadoo Maalmihii u danbeeyey ay Xisbiyada Mucaaridka ah Iyo Xisbiga Kulmiye ku kala Aragti Duwanaayeen Mudo kordhin loo Sameeyo Xukuumada Isla markaana Laga dhex waday Waanwaan ku Aadan sidii ay iskugu soo Dhowaan Lahaayeen Ayaa Waxaa soo Baxaya in Gudoomiyaha Waddani Doonayo Xodxodasho ku aadan Sidii Loogu taageeri lahaa Mudo kordhin loo Sameeyo Xukuumada

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani Ayaa Caawa Si KEdis ah U Galay Dhismaha Guriga uu Magaalada Hargaysa ka Degan Yahay Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi

Cabdiraxmaan Cirro ayaa Kulan Baryo ah Caawa abaaro 9:00 Habeenimo Ula Tagay Muuse Biixi Sida ay Ilo Xogogaal ah oo lagu kalsoon Yahay u Sheegeen Shabakada Wararka Laascaanood Waxaana uu Ka Dalbaday inuu La Qaato Goaankaasi Mudo kordhinta ah ee Loo samaynayo Xukuumada

Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxaa Wararku sheegayaan Inuu ka Cabsi Qabo Caqabad kaga Timaada Warar uu Hore ugu Gudbiyay Qaadhaan Bixiyaasha Somaliland ka Taageera Doorashooyinka Kuna aadan in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadu Doonayaan Mudo Kordhin ay Talada Dalka ku sii Hayaan iyagoo Marmarsiinyo ka Dhiganaya Abaaraha Dalka ka Taagan

Deeq bixiyaasha oo Maalmaha soo socda Dalka Imaan Doona ayaa La Filayaa inay la Kulmaan Dhamaanba Madaxda Sadexda Xisbi qaran Iyagoo Ka Waraysan Doona Doorashooyinka iyo Mudo kordhinta loo Sameeyp Xukuumada

Wararka aanu helayno ayaa Tibaaxaya inay Cabdiraxmaan Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Wadani kusoo Fool Adkaatay Been uu Hore ugu Sheegay Deeq Bixiyaasha Isagoo Caawana Kulanka Kediska ah ee Ku Yimi Guriga Muuse Biixi Kaga Codsaday in uu La Qaato Arinka Mudo Kordhinta si Qaadhaan Bixiyaashu U Rumaystaan Hadalkii uu Hore ugu Sheegay ee ahaa In Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaduba ay Mudo Kordhin Doonayaan

Gudoomiye Muuse Biixi ayaa Wararku sheegayaan Inuu Ku Gacan Saydhay Isla markaana uu usoo Jeediyay inuu arinkaasi ka Taagan Yahay Halkii uu Hore uga Taagnaa,

QoryaaleNews/Hargeysa Office

Qoryaalenews2@gmail.comcabdiraxmaan ciro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here