DHIBAADADA JAADKA IYO DHOOHNAANTA BULSHADEENU WAA LABA KALA DHEER

0
549

QLLLaadku  waa aafo ka mid ah aafooyinka  ay Bulshadeenu u dhutinayso,  waxaanuu sabab  u yahay mushkilado fara-badan oo maanta farabaas ku haya Bulshadeena,
ku waa soo aanan ku cabiri karaynin Qoraal yar oo kooban, balse u baahan in lagu sameeyo  cilmi baadhis xeel dheer, si loo ogaado dhibaatada uu gaadhsiiyay Bulshadeena, laakiin imika waxaan Qalinka u qaatay  in aan wax yar ka tilmaamo,  mushkildaha isbarkan ee Maandooriyaha Jaadku  uu ina dhaxalsiiyay.
Ugu horayn  Culimada  Islaamku  markii ay daraasayn iyo lafgurid ku sameeyeen Jaadka,  iyagoo waliba ka duulaya waxa uu dhib iyo dheef  u leeyahay  Aadamaha, ayagoo ka shidaal qaadanaya wixii ay Culimada Caafimaadku  ka yidhaahdeen, waxay in tooda badani isku raaceen in  uu Geedka Jaadku  xaaraan yahay.
Wax-kastaba ha ahaadee  waxa uu  Bulshadeena ka curyaamiyay meelo badan oo ay ka mid yihiin:-  maalka, caafimaadka, Sharafta, akhtiga iyo cibaadada.
Maalka: Waxaynu nahay Bulsho sabool ah oo baahi weyn u qabta  in ay helaan dakhli ay ku dabaraan Nololmaalmoodkooda, waxaynu nahay Bulsho inteeda  badani  la daalaadhacayaan quutal daruurigii ay ku noolaan lahaayeen, waxaynu nahay Bulsho waxa ugu badan ee ay ka warwarayaan uu yahay wixii ay Hunguriga marin lahaayeen , waxaynu nahay Bulsho ay da’yarteedii u haajirayaan  Dhul-shisheeye  markii  ay Dhulkoodii shaqo ka  waayeen,  hadana waxa Dakhligii yaraa ee aynu haysanay  si talaxumaan ah ugu  ququlayo Ethiopia, waxaynu  sanad-kasta u dirnaa ku dhawaad  Afar Boqol iyo konton  milyan oo dollar  $450,000,000  Lacag taa soo aynu ku  badalano  Maandooriye  kharaabiyay  Bulshadeen.
 Caafimaadka: Jaadku waxa uu dhaawacay Caafimaadkii Bulshadeena, waxaanuu ka dhigay mid uurkutaalo leh, lamana qiyaasi karo inta  Ruux  miyirkiisii iyo maankiisii  ku waayay,  kaa soo dariiqyada iyo laamiyda ku daranyaysan isagoo waliba diifta iyo dacdarada haysata ay u dheer tahay shiit iyo hagardameynta  ay Caruurtu ku hayso, waxa ka siidaran inta ruux aynu jeclaynl ku silsiladaysan  meel  darxumada iyo diilalyada taalaa  kugu reebayso Qalbi-jab iyo xanuun badan, waxa maanta  urgumooyinkiisa iyo aramidiisa u taahaya kumanann Ruux oo tiirdhexaad u ahaa Dalkan iyo   Dadkan fiqiirka ah. 
 Sharafta:  Maandooriyaha Jaadku waxa  uu baabi’iyay sharaftii iyo karaamadii  Bulshodeena  taa soo uu ka saameeyay dhic-walba, laakiin waxaan halkan si kooban u ugu tilmaami doonaa dhibta uu  Qoysaskeena ku hayo.

  Waxa inta badan  dhacda in  Qoyskii oo sabool ah,in hadana  Ninkii  reerka masuul ka ahaana uu noqdo mid caadaystay cunittaanka Maandooriyaha Jaadka, waxa markaa  timaada  in ay isdabooli-waayaan dhaqaalihii  yaraa ee uu Qoysku haystay iyo baahidii ku xeernayd, islamarkaana uu halkaa   ka bilaabmo khilaaf  xoogan oo horseeda burburka Qoyska, iyo  in ay kala tagaan lamaanihii  is jeclaa ee Qoyska wada yagleeshay, waxaanay ku danbeeyaan in labadoodii midba uu meel u jahaysto, iyadoo mid waliba uu madaxa la galo  xaalad cusub oo warwar iyo walbahaar leh. Inta badan markay lamaanuhu kala tagaan waxay Hooyadu isku daydaa in ay dabarato Nololmaalmeedkeeda, iyo kii Ubadkii yar yaraa ee ay Aabahood kala tageen. Markay Hooyadu  Suuqa u soo baxdo iyadoon  Aqoon-xirfadeed iyo tu maaliyadeed  midna aan wadan, waxay madax la gashaa duruuf iyo waayo adag oo aan la qiyaasi karaynin,  waxaanay in badan la kulantaa hagardaamooyin iyo tacadiyo  xanuun badan leh. Waxa isna dayacma Ubadkii yar yaraa ee Aabahood iyo Hooyadood kala tageen, ku waa soo  ay la soo darsaan xaaladao cakiran iyo in ay waayaan Aabo iyo Hooyo wadajira oo ay weheshadaan, waxa kaloo ay waayaan  barbaarintii iyo korinkii ay u baahnaayeen, sidaana waxay ku noqdaan kuwa Nolosha ka dhaca (drop out)

 Wakhtiga: Wakhtiguna waa shayga ugu qaalisan ee Qofka Aadamaha’ahi uu haysto, haddii uu sifiican ugu faa’iidaystana wuu ku liibaanaa, haddii uu is dayacana wuu ku khasaaraa. Bulshooyinku  waxay u  kala horumaraan hadba sida ay  uga faa’iidaystaan Wakhtigooda, Ummad kasta oo Wakhtigeeda ka faa’iidaysataana waxay ku gaadhaa Guul, Ummad kasta oo  Wakhtigeeda iska dayacdaana waxay ku dhacdaa  khasaare. Inaga Wakhtigeenii  waxa uu ku dhamaaday Caleenta qadhaadh ee Maandooriyaha Jaadka, waxaad arkaysaa in ubixii iyo xooggii Wadankani lahaa in wakhtigoodii ku dhamaaday  cunittaanka Maandooriyaha Jaadka, waxay dul fadhiyaan Gabalku markuu dhaco iyo markay Cadceedu soo baxayso, waxaana halkaa inagaga khasaarar  Jiil ilaa Jiil  (Generation to Generation) oo uu wadankani lahaa, waana kuwii rajada u ahaa Wadankan.

 Waxaa kalood arkaysaa Nin muruqyadu adkaadeen oo hadana aan maalin qudha aan shaqo-tagayn, kaa soo dulsaar ku ah, cid kale oo laga yaabo in ay la daalaadhacayso Nolomaalmeedka, sababtuna ay tahay caadaysiga Jaadka.

Cibaadada: Cibaadadu waa shayga aynu u abuuran-nahay waana kay liibaanta Aduunyada iyo liibaanta Akhiraba ku jiraan, haddii uu  Ruuxo ku guuldaraysto cibaada Alle SWT inagu adoonsaday waxa hubaal ah in uu ku khasaarayo Aduunka iyo Aakhiroba. Waxa uu Jaadku  cadow  u yahay cibaadada Alle iyo ilaalinteeda, suuro-galna maaha Nin bariinsaday in uu sifiican u cibaadaysto.   Hadaba dhiigbaxa uu Jaadku inagu hayo laguma koobi karo hal Maqaal oo yar,waxa’se  hubaal ah haddii aynaan la iman  Caqli kan dhaama in aynu ku sii silban-doono meel madow oo bilaa raja ah, Dadkuna ma dheefsadaan wax iska yimaada uun, ee  wax kastaa waxa uu u baahan yahay  tacab iyo dadaal  naf hurid ah. Cumar Axmed Cali:  tel, 0634244802

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here