Taliye Fadal Oo Digniin Culus Uu diray Cidkaste Oo Ka Hortimaada Go,aamadii Xukuumadda, Baaqna Udiray Ciidamada Booliska Dalka

0
439

Taliye Fadal Oo Digniin Culus Uu diray Cidkaste Oo Ka Hortimaada Go,aamadii Xukuumadda, Baaqna Udiray Ciidamada Booliska Dalka

Hargeysa(Qoryaalenews) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi fadal Iimaan ayaa sheegay inay diyaar uyihii fulinta awaamiirtii kasoo baxay Golaha wasiiradda Somaliland wuxuuna sheegay inay sharciga horgayn doonaan islamarkaana talaabo ka qaadi doonan cidkastee oo ka Hortimaada go,aamadii madaxweynaha qarranka Somaliland,Taliyaha ciidanka qarranka Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan isagaa oo arrimahaas ka hadlayaa waxaa uu Yidhii ” Kulankii Golaha wasiirada ee horkacayay madaxweynaha somaliland, dhamaan ciidamada kala duwan ee qarranka somaliland waxaa ay idbaan yihiin inay fuliyaan Awaamiirta

kasoo baxaa dawlada,dhamaan ciidanka boolisku waxaa ay ka Yihiin kow inay Fuliyaan dhamaan awaamiirta dalka ”

dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi fadal iimaan waxaa sheegay inay dhamaan ciidmada Booliska ee Gobolada dalku ku amarnyihiin inay fuliyaan Awaamiirta dalka, isagaa oo baaq udiray Guud ahaan shacabka Somaliland ” dhamaan ciidanka booliska ee Gobolada iyo degmooyinka dalka waxaa ay ku amaranyihiin inay fuliyaan Dhamaan awaamiirta ay soo saartay dawlada, waxaan shacabka reer somaliland ugu baaqay inay la shaqeeyan dhamaan ciidanka booliska, waxnaan ku amaanaya sidii wanaagsanyd ee ay ula shaqayn jireen ciidanka Booliska, waxaana boolisku ka qaadi doonaan ”

Gabgabadii Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi fadal iimaan waxaa uu uga digay cidkaste oo faafiisa warar beena abuura oo ka dhana Go,aamada iyo awaamiirta ay soo saartay xukuumadda somaliland ” waxaan uu digay cidkastee oo dhinac martaa amaa si qaldan uu faafiisa in ciidanka boolisku markasta cuskanayaa xeerka iyo sharciga ay talaado ka qaadi doonan ” ayuu Yidhi jenaraal Cabdilaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

si kastaaba ha ahaate Madaxweynaha qarranka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ayaa Digreeto uu ku Magacaabay guddi la dagaalanta sixirbaraarka waxaa ka mida Taliyayaasha ciidamada qarranka, waxaanay Guud ahaan guddidaas Dagaal culus la geli doonaan sii loo dabargoyn lahaa sixirbaraarka hadheeyay dalka.fadal

 

 

 

 

Qoryaaalenews/Hargeysa Office

qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here