Wasiir ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Si Heer Sare Ah Loogu Casuumay Shirka Qorshaynta iyo Horumarinta Ee Dalka Kuwait

0
554

Hargeysa(QoryaaleNewsqabo) Wasiirka qorshaynta qarranka iyo Horumarinta Somaliland maxmed Ibrahim adan qabbo oo kamid wefti ka socday xukuumadda Somaliland islamarkaana ku sugan caasimada dalka Kuwait ayaa casuumaad meeqaam sarre ah ka helay Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Dalka Kuwait waxaanu halkaas kaaga qaybgalay Shir lugu qorshaynaayey Horumarinta wakhtiga fog iyo siday dalka Kuwait uu noqon doono qorshahaas oo loogu talo galay sanadka 2020-ka ilaa 2035 (Kuwait National Development Plan 2020 to 2035). Shirka noocan ah oo dhawrkii sanaba hal mar laqabto ayaa waxaa lagaga hadlaa sida uu noqon doono Horumarka iyo qorshaha Dalka Kuwait, kaas oo ay kasoo qayb galaan dhamaan xubnaha Dawlada iyo Safiirada dalalka kale ee fadhigoodu yahay Dalka Kuwait, Mashriicda dhanka dhismayaasha wadooyinka iyo Biyaha ayaa ah qodobada ugu waaweyn ee lagaga wada hadlay sanadkan.

Wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim ayaa intii uu goobta shirka ku sugnaa lakulmay Wasiirka Maaliyada Dalka Kuwait, Safiirka Ingriiska u fadhiya Kuwait, Safiirka Dalka Japan u fadhiya Kuwait iyo Masuuliyiin kale oo kamid ahaa martidii shirka kasoo qayb-gashay.

Wasiir Maxamed Ibraahim oo casuumaad rasmi ah ka helay wasaarada qorshaynta qaranka ee Dalka Kuwait wuxuu intii uu shirka ku sugnaa masuuliyiintii uu la kulamay kala sheekaystay arimaha Somaliland iyo halka ay hadda wax marayaan ee dhanka qorshayaasha dhaw iyo kuwa fog. Wuxuuna uga warmay wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland iyo shirkii noocan oo kale ahaa ee ka dhacay caasimada Hargeysa iyo qodobada ugu mihiimsan ee uu diirada saarayey, kaas oo ay ka wada simanyihiin labada Dawladood ee Kuwait iyo Somaliland. Gebo-gebadii Isbarasho iyo wada-tashi dhex maray Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim iyo qaar kamid ah xubnihii ugu meeqaamka sareeyey ee kasoo qayb-galay shirkan Oo ahaa mid caalami ah ayaa kusoo gebo-geboobay jawi aad u qurux badan. Inkasta oo aan balaqaadyo muuqda u fidin wasiirka, safiiradii uu la kulmay Wasiirka Qorshayntu waxay u sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin Somaliland, nabad gelyadeeda iyo heerka horumar ee ay gaadhay iyada oo aanaqoonsi ka helin caalamka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here