X
ildhibaan Cabdisamad Macalin Oo Ka Digay In Itoobiya Kumilanto Doorashada Somaliya Dawladaha Kenya Iyo Ugandha Oo Mawqif Adag Kaga Jawaabey Qorshaha Itoobiya
Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo XALAY Shir Isku Kaliyeystay Iyo Guuxii Siyaasada Muqdisho Oo Galay Laba Daran Mid Doorro
Ra’Iisal Wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Ayaa Daboolka Ka Qaadey in doorashada somaliya ay faro gallin ku hayaan dawladaha jaarka la ah somaliya kuwaas oo u gacansiinaya murashax gaar ah oo ay dantooda ka dhex arkaan waxaanu carabka ku dhuftay in dawlada Itoobiya u ololeynayso Madaxweynaha muddo xileedkiisii sii dhamaanayo ee xasan sheekh maxamuud kuwaas oo ay xildhibaanada golaha shacabka ee somaliya ku sanduleeyey inay mar kale doortaan madaxweyne xasan sheekh si ay danahooda siyaasadeed uga meel gaadhaan, dhanka kale waxaa dalabaadka dawlada itoobiya ka biyo diidey Dalalka Kenya iyo Ugandha kuwaas oo iyana wata murashaxiin gaar ah isla markaana ka soo horjeeda in uu mar kale soo laabto Madaxweynaha hadda talada haya , dawlada Ugandha ayaa ku hanjabtay in haddii mar kale xasan culusow soo noqdo ay Ciidamadeeda kala baxayso Somaliya.
Ra’iisul Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo la xiriira doorashada .
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in ay jiraan faragelin dowladaha dariska ay ku hayaan doorashada Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka in ay iska ilaaliyaan Faragelinta tooska ah ee wadamada dariska ay ku hayaan doorashada.
Waxaa uu sheegay in dalalka dariska ah hadda faraha kula jira arrimaha doorashada iyo oo gacan siinaya musharax gaar ah.
”Waxaa jira culeysyo naga soo food saaraya wadamada dariska ah qaarkood oo musharax gaar ah u ol oleynaya, waxaan leenahay faragalinta naga daaya, umada Soomaaliyeed waa umad xor ah, ha loo daayo in ay aayahooda ka tashadaan.
Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in sidoo kale looga baahan yahay maamul gobolleedyada dalka in ay dhax dhaxaad ka noqdaan howlaha doorasho ee dalka ka socda.
” Anniga oo aan rabin in aan arimaha hoos u sii dhaxgalo waxaa jirta hiilin iyo siyaasad gaar ah oo la leeyahay musharax gaar ah hala siiyo codka, taasna waxaa ay noqon kartaa meel ka dhac iyo xadgudub ayuu yiri” ra’iisal wasaare Sharma’arke.
Xildhibaannada ayuu ugu baaqay in ay ka foojignadaan faragalinta kala duwan ee lagu hayo doorashada madaama ay u madaxbanaan yihiin go’aankooda.
Cumar C/rashiid Cali ayaa ka mid ah 24 Musharaxa oo u taagan doorashada xilka madaweynaha Soomaaliya ee la filayo in ay dhawaan dhacdo. dhinaca kale Wasiirkii hore arrimaha Gudaha somaliya cabdikariin macalin isla markaana ah xildhibaan golaha shacabka ayaa si cad usheegay in dawlada itoobiya ku khasbayso xildhibaanada inay doortaan xasan sheekh maxamuud taasina ay luminayso xoriyadii xildhibaanada maadaama aaney suurto gal ahayn in aayahooda dawlad danlihi kataliso
Ugu danbeyntii, musharixiinta la filayo in ay ku tartamayaa doorashada dhawaan ka dhici doonta dalka, ayaa qaarkood horay xilal uga soo qabtay dalka, halka kuwa kalana ay tahay markii ugu horeysay oo ay ka qeyb-gallaan doorashada.
qoryaalenews2@gmail.com
