Ceelafweyn:- Wararkii Ugu Danbeeyay ee Rasaas Goo-goos ah oo Ceelafweyn Ka Bilaabantay Iyo Halka xaalku Marayo

0
409

ceelafweyn

 

Markay ahayd 7:10 PM Waxa Badhtamaha Magaalada Ceelafweyn Ka
Bilaabantay Rasaas Xoogan oo Wada Socota .Waxayna Afka Uga Gashay Goob Pharmacy Ah Halkaasoo Laba Qof Ku
sugnaayeen , Kadibna Rasaastaasi Waxay Dhaawac Xoogan Soo GaadhsiisayLabadii Ruux ee Hakaasi Ku Sugnaa oo Rag Ahaa.

Maqalka dhawaaqa Rasaata Waxa Wakhtiyar Kadib dhacday Rasaas Kae oo Taasi Hore Ka Dambeysay  , Waxana Goobta si Deg-Deg Ah Usoo Gaadhay Ciidamada RRU-da oo Degmadaasi Mudo dhowr Bilood ahba Ujoogay Nabad
Ilaalinta Deegaankaasi Maadaama oo Ay Ka dheceen dagaalo kala dambeeyay oo Sababay dhimasho iyo Dhaawac Tiro Badan .

Majiro Illaa Iminka Wax Khasaare ah oo Laga Ogyahay Rasaastaasi Inay sababtay  , Marka Laga Reebo Labadaasi qof ee ay Dhaawacday ooxaaladooda caafimaad lala Tacaalayo  .Qofka Rasaasta Lagu dhaawacmay Riday Ayaa Ahaa qof Gebi ahaanba
Jidhkiisa aanay Meelina ka Muuqan oo Is Wada qariyay , iyadoo saraakiisha Ciidanka Amaankuna Sheegeen in Lagu dabo Jiro qofka
Shilkani Geystay . Waxana Amaanka Magaalada gacanta si adag ugu Haya Ciidamada dhaarsan ee RRU-da  iyo Sidoo Kale kuwa Milatry-ga .Iyadoona Isu Gudubka  Bulshada , Gaadiidka Iyo Ganacsigaba Gebi ahaanba la Hakiyay .Ciidamada amaanku Bandow Kusoo Rogeen Isla Markaasina Magaalada dhexdeeda Loo diiday In Qof Dhex Maro,  Sidoo Kale Ciidamada Amaankuna
Amar Ku Bixiyeen In 8: 00 PM Wixii Ka Danbeeya Qofka Ay Qabtaan Gacanta Ku Dhigi Doonaan Sharcigana Hor Geyn Doonaan.

Si Kastaba Ha Ahaatee dhacdadani Ayaa Loo Nisbeynayaa inay dabo socoto Mashaqooyinkii dhawaan Deegaankaasi Ka dhacay.

Lasoco Wixii War ah Ee Kasoo Korda xaaladasi.

Source :-

Abdirahman Ismail Saylici

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here