Xukumada Fedaralka Soomaaliya oo ku hawlan sidii loogu soo wareejin lahaa maamulka hawada Soomaaliya

0
400

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa kulan uu la qaatey Madaxada hay’adda Duulimaadyada caalamiga ah ICAO, ka codsaday Hay’adaasi in dalka Soomaaliya Lagu soo wareejiyo Hawadiisa. 

Wasiirka ayaa Dr.Olumuyiwa Benard Aliu kala hadley sidii loo dedejin lahaa dhamaystirka xiridda qalabka hagida duulimaadyada diyaaradaha ee yaala gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxa hay’adda ICAO Dr.Olumuyiwa Benard Aliu, ayaa ballan qaadey dhamaystirka iyo sare u qaadida aqoonta shaqaalaha duulimaadka ee Soomaaliya, marka si toos ah Soomaaliya ula wareegto maamulidda duulimaadyada hawada sare oo muddo dheer laga soo hagayey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida laga soo xiganayo Wasaaradda Duulista hawada ee Somaaliya qalabka lagu hago diyaaradaha ayaa lagu rakibi doonaa sideed garoon oo ku yaala gudaha dalka Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa agaasimaha wasaaradda gaadiidka duulista hawada uu ka digay in hawada Soomaaliya ay qatar ugu jirto in lagu wareejiyo wadamada Deriska qaar oo waydiistay in lagu soo wareejiyo, maadaama Soomaaliya aysan awoodin inay hanato maamulka hawadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here