Haweenay Ninkeedii Kedis Kaga Dhigtay Hadyadda Ilmo Ay Si Kedis Ah U Umushay

0
417

Maalinta Xuska Gaalada Ee Jacaylka/Valentine

Haweeney kasoo jeedda dalka Turkiga ayaa ka yaabsatay ninkeeda intii ay socotay dorraad dabaaldegyadii Gaalada ee xuska maalinta Jaceylka adduunka oo ku beegneyd 14 February 2017 kadib markii ay  u hadiyaysay sanduuq uu ku jiray ilmo yar oo adduunka joogay hal maalin.

Arrintan ayaa ka dhacday caasimadda Gobolka Rize ee Dalka Turkiga kadib markii haweenay lagu lagu magacaabo Goldan Diyar ay dareentay xanuunkii foosha inkasta oo saygeeda iyo ehelkeedu filayeen in aanay wali gaadhin wakhtigii ay ilmo dhalaysay ama aan la gaadhin sidkeedii ay haddana fooshii qabatay.

Goldan Diyar ayaa go’aansatay inay la xidhiidho gabdho ay saaxiibo ahaayeen si ay u geeyaan Cisbitaal iyadoo aan warkaas la ogeysiin ninkeeda.

Asxaabteedii ayaa u timid haweenaydan Diyar waxayna u qaadeen Isbitaal si deg deg, waxayna dhashay saacado yar  kadib ilmo kusoo beegmay maalinta Jaceylka adduunka oo ah maalin ay dadka gaalada ahi samaysteen balse ay dalal badan oo salaam ahi ku degmaan oo ay la xusaan wax loogu yeedho in lamaanayaashu is dhaafsadaan farxadda jaceylka waxayna go’aansatay inay wiilkaan Hadiyad ahaan ugu geyso ninkeeda weliba si lama filaan ah. Hooyada iyo gabdhihii ay saaxiibada ahaayeen ayaa guriga kusoo laabtay waxayna qolka fadhiga kusoo diyaariyeen waxyaabo qurux badan waxayna wiilkii yaraa dhex geliyeen sanduuq weyn si ay uga dhigaan Hadiyad ay usoo diyaarisay ninkeeda. Hooyadan ayaa muuqaal kasoo muuqatay iyadoo sugeysa ninkeeda kuna dhawaaqeyso “waxaad ahayd mid ilmo filanaya  asbuucyada soo socda balse hadda ayuu yimid hadiyad ahaan ayaan kugu siinayaa, wax badan waan ku jeclahay”.

Sida ay warbaahinta Turkigu sheegayso Aabaha ilmahan oo lagu magacaabo Ufuk Chakiqir ayaa soo galay qolkii lagu diyaariyey ilmahan yar waxaana wajigiiisa laga dheehan karayey farxad wuxuuna isla markiiba bilaabay inuu dhunkado. Markii uu muujiyey farxadiisa wuxuu yidhi: “Waxaan maanta helay hadiyadii ugu wanaagsaneyd maalinta Jaceylka Adduunka, waxaan u mahadcelinayaa xaaskeyga sidoo kalana waxaan soo dhaweenayaa ilmahayga cusub”.

Maalinta jaceylka adduunka ayaa laga xusaa inta badan adduunyada inkastoo culimada islaamku ay ka dhigeen arrintan iyagoo tilmaamay inaanay ahayn wax sharci ah.caruur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here