TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN

0
773

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Ismaaciil Bootaan Cabdi  oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 18/02/2017.

Madaxweyne kuxigeenku waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday nabadeed door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa ganacsatada waa weyn ee  aadka looga yaqaan guud ahaan Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

mkuxigen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here