Warsaxafadeed:Ururka TV-yada Madaxa Banaan oo cambaareeyey Xadhiga Agaasimaha Start TV

0
725

Press Release          dg m bashe21 February 2017
Ururka Tvyada Madaxa Banaan waxa uu si adag u cambaaraynayaa xadhiga lagula kacay Agaasimaha Star TV Maxamed Baashe, oo baal maarsan  sharciga iyo qawaaniinta Wadanka Somaliland u yaala iyo ka caalamka.Sida uu dhigayo qodobka 32aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer No: 27/2004, Warbaahinta iyo ra’yi dhiibashadu waa xor Somaliland, isla markaanaqofna looma xidhi karo ra’yigiisa, lamana cabudhin karo xorriyadda Saxaafadda.Ugu dambayna waxa aanu u soo jeedinayaa xukuumadda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Agaasime Maxamed Baashe, si shuruud la’aan ah, isla markaana haddii

ay tabashaba ka qabto wararka iyo macluumaadka ay warbaahintu baahiso inay u marto nidaamka sharciga ah ee waafaqsan xeerka Saxaafadda Somaliland ee xeer No. 27/2004, oo ah mid dhaqan gal ah, isla markaana ay hore ugu heshiiyeen xukuumadda iyo saxaafaddu in lagu dhaqmo. Waxa kale oo aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa inay abuurto jewi degan oo lagu wada shaqayn karo

oo aan dhibsan doodaha iyo ra’yi dhiibashada xorta ah.

 

ALlaa Mahad Leh

C/Shakuur Haybe Maxamed

Afhayeenka ururka TVyada Madaxa Banaan ee

Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here