”Qaadka Itoobiya Waa In Lagu Bedeshaa Kalluunka Badaheena” Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Oo Ka Hadley Safar Uu Ku Tagay Dalka Kiiniya.

0
546

Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland mudane cali jaamac bureed ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay dalka kiiniya, gaar ahaana magaalo xebeedka mambaasa,isagoo sidoo kale sheegay inuu la kulmey masuuliyiin ka tirsan dalkaasi

Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland mudane cali jaamac bureed oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaaya ayaa yidhi”waxaanu shaqo ku taney magaalo xebeedka mambaasa iyo magaalooyinka xeebaha, aniga iyo afar qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaarada, ujeedka safarkayaguna wuxuu ahaa sidii darasamad aan uga soo qaadan laheyn sidii dadkaasi wax uqabsadeen, ama kaluumaysigooda iyo meelaha ay dhigtaan, meelihii kaluunkoodu mari jiran oo dhanbaan tagney, si aan waxyaabaha inagu wadankeena ka qabaneyno aan figrad iyo khibrad uga soo helno, wadamo kala duwan ayaa la tagaa si loo ogaado wixii ay iyagu kaluunkooda ka qabsadeen”Ayuu Yidhi Wasiirka Kaluumeysiga Somaliland

Mudane cali jaamac bureed Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland Ayaa Intaa Ku Daray “kaluunku badduu jogaa waanu socdaa, halaga faa’idaysto, ganacsato, shacab iyo xukuumadba ninka qaad kuu keenaya kaluunsii wasaarada ganacsiga iyo ta arrimaha dibada hore waan ugala hadalney hadana waan ku clineynaa”Ayuu hadalkiisa kusoo xidhey Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Somalilandqadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here