Mo Farah oo asal ahaan ah orodyahan ka soo jeda Somaliland oo mar kale lasoo daristay fadeexad shaki isticmaal daroogo ,

0
650

Mo Farah, orodyahanka soomaaliyeed ee u orda dalka Inriiska ayaa mar kale waxaa lasoo daristay fadeexad shaki isticmaal daroogo kaddib markii dhawaan warbixin lagu qoray jariiradda Sunday Times lagu sheegay in tababarihiisii hore uu ku lug-leeyahay fadeexad isticmaalka daroogo.

Mo-Farah-Alberto-Salazar-676938

Warbixintan cusub ayay jariiraddu kasoo xigatay hay`adda USADA ee ka hortagta isticmaalka daroogooyinka ciyaartoda Mareykanka, waxaana warbixintan cusub lagu sheegay mar kale in tababarihii hore ee Mo Farah Alberto Salazar uu ku lug leeyahay raad adeegsi garoogo.

Tababare Alberto Salazar ayaa warbixintu sheegtay in qaar ka mid ah ciyaartoydiisa uu siiyay daroogada xamisha daalka jirka, waxaana baaris lagu hayay muddo iminka ku dhow labo sannadood.

Orodyahan Mo Farah oo si caro leh mar kale uga jawaabay eedeyntan cusub ayaa waxaa uu qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa twitter kaas oo uu isaga fogeynayo eedahan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here