Baafinta Mashruucii Macdanta Ee SIIMOODI Iyo Deegaano Sida Fiinta Uga Qayliyey Qoqob Wasaaradda Macdantu Dhex Dhigtay Mashruucii Shiidaalka

0
540

wajiya xunWasiirka Macdanta Iyo Tamarta Oo U kala Sadburiyey Deegaanada Shiidaalka Laga Baadhayey  Kana Dhego Adey Awaamiir Madaxweynu Faray

Karaaniyiin Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta  U daacada Oo Ka Badin La Dhitooyin Dhiig Bax ku Ah Shiidaal Baadhista

Shacabka Somaliland ayaa baafinaya mashruucii macdan qodista ee SIIMOODI kaas oo xaalkiisu noqdey halkaas mar oo muuqaa lawaa waxaa

na bulsha weynta Somaliland ku jaah wareertay halkuu marey mashruucaasi  kaas oo aan laga warqabin inuu joogsadey iyo kale waxaana buurta SiIMOODI laga rarey koontiin dharo macdan ah kuwaas oo laga dhoofiyey marsada berbera  ilaa haddana lama aqoonsana wax qaranka kaga soo noqdey mashruucii macdan qodista,

wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo ah wasaarada masuulka ka ah khayraadka dalka iyaduna bixisa amarka shishiiyuhu ku baadho macdanta ayaan si cad wali uga hadal halka uu ku dambeeyey macdantii siimoodi laga qodey .  waxaana arrintaa ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dalka xirsi aadan yugle waxaa uu sheegay in wasaarada macdantu dalkii siisay shisheeye wuxuuna yidhi.

 “ adeer mashruucii macdanta ee siimoodi laga qodayey ma naqaan meel uu marey  waxna bulshada AWDAL kaga may soo noqon ilaa hada macdan baadhistii siimoodi waxay sababtay xanuuno daris la noqdey dadkii deegaanka ee halka ay martay hala weydiiyo wasaarada macdanta iyo wasiirkooda” bulshada Somaliland waa kuwo ku kala aragti duwan waxaaney qaar kale oo shacabka ka mid ahi qabaan aragti ah in macdan laga helay siimoodi oo wakhtigeedii dhamaadey waana kan.”  Mashruucaasi wuxuu ahaa mid khayraad kii dalka ku jiray lagula baxay oo waliba dad ajinabiya kooto loogu xidhay meel uu marey na ma aqoonsanin wuxuun baan ognahay in dadkii iyo deegaankiiba wax yeelo ka soo gaadhay suuli loogama dhisin dadkii dhulkooda la qotay” odey Yuusuf Muxumed Bulaale

dhanka kale waxaa  isna bilowdey mashruucii shiidaal baadhista kaas oo bulshada deegaanadooda laga qodayaa ay sida fiinta uga qaylisay qaab guracan oo wasaarada macdantu umaamushay mashruucaasi kaas oo la kowsadey xiisado dhawr ah waxaana lagu macneeyey diidmada ka soo yeedhay dadka deegaanadooda laga qodayo macdanta qorshe qalooc ah oo wasiirka macdanta iyo tamartu u galay kuwaas oo qaar kood ku an dacoonayaan in loo kala sadburiyey beelaha dega deegaanada shiidaalka laga baadhayo. Waxaana mar kale curtay xiisad CAR iyo WIR ah oo udhaxaysa wasaaradda macdanta iyo bulsha weynta shiidaalka laga sahaminayo iyagoona ku hanjabay in aan deegaanadooda ay fooda soo galin Karin shisheeyaha shiidaalka qodanaya. Waxaana ilo xogogaala ay wargeyska SAHAN ka helay shax muujinaysa sida loo kala doortay loona kala sadburiyey beelaha bariga burco shax-daas oo lagu fasiray mid wasiirka macdantu ku kala qaybinayo beelaha bariga burco waxase qoorweynta biishaasi ka dhawaajiyeen in aan shaxdaasi ahayn mid wax yeelaysa midnimada beesha balse ay  tahay fashil markale dulhoganaya wasiirka macdanta Xuseen Axmed Ducaale waxayna shaxdani  ahayd  mid lagu kala xushay wadayaasha gaadiidka shiidaal baadhista. Samane 2 Aadan Madobe 4 Axmed farax 0 Yesif 2  Bicide 1 Rer dahir 0 Solomadow 0 Cimran 0. Xogo kale oo wargeysku helayo ayaa sheegaya in wasiirku ka dhego adeygay awaamiir Madaxweynu faray kaas oo salka ku haya inaanu xiligan qaadin talaabada shiidaalka lagu baadhayo taas badelkeedana ku badeshay inuu dhegaha ka fureysto.

Xigasho Wargeyska Sahan

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here