Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Socod Guure Ah Ku Galay Hoyga Guddoomiyaha Guurtida Iyo Codsi Seylici Sitey Oo Doodiisa Shuruudi Xidhay

0
592

Dalabkii Madaxweyne Ku Xigeenka, Dacartii Ka Dambeysay Iyo Go,aankii Guddoomiyaha Guurtida

Olole Joog Hoose Ku Socda Oo Madaxweyne Ku Xigeenku Bilaabay Iyo Jawaabo Aan Ka Farxin Oo La Kawsadey

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland cabdiraxmaan seylici ayaa socod guure ah ku tagay guriga guddoomiya guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan , kulanka oo ahaa mid joog hoose ku socda oo xogtiisana aad loo dhawrey ayaa ilo xogogaala Oo Diiradda Ku hayey dhaqdhaqaaqisa ayaa wargeyska SAHAN u xaqiijiyey ujeedka uu daaranaa socdaalka madaxweyne ku xigeenka dalab codsi ah oo guddoomiyaha guurtida badka usoo dhigay in kulanka sabtida ee ajandaha muddo kurdhinta cimriga xukuumadda lagaga xaajaado wuxuuna muddane seylici codsadey in aan la dhaafin intii xisbiyadu ku heshiiyeen doorashada dalkuna ku dhacdo,

 dalabka seylici ayaa waxaa si dadban uga jawaabey gudoomiyaha golaha guurtida isgoona sheegay in qorshe ka duwan ta uu watay madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaanu carabka ku adkeeyey in ay talada muddo kordhintu utaalo mudanayaasha guurtida isna aanu jaangoyn Karin isla mar ahaanta la dhawro go,aanka xildhibaanada dastuurku ujideeyey inay ka taliyaan.

 Talaabadan guddoomiye saleebaan kaga jawaabey dalabka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland muddane cabdiraxmaan seylici ayaa ku noqdey oofwareen aan ka farxin taladii seylici layimi darka taas oo haddii ay timaado dabreysa hankiisa laba garoocan ee ugu ordayo inuu mar kale ka soo muuqdo xayn daabka qasriga.

Xisbiyada qaranka iyo shacabka Somaliland ayaa udheg taagaya dhawaaqa kalfadhiga xildhibaanada golaha guurtidu isugu imanayaan maalinta sabtida ee toddobaadka soo socda waxaana ilo xogogaal ah oo diirada ku haya muddanayaasha guurtidu sheegayaan in  ay kordhinayaan sanad iyo sideed bilood halka qaar xogo kale tibaaxayaan in goluhu hal bil ku darayo wakhtigii lagu heshiiyey.

Dhanka kale waxaa iyaguna sidoo kale ku kala aragti duwan golaha wasiirada xukuumadda kuwaas oo qaarkood doonayaan in muddo xileedkoodu ukordho waxaaney usacaba tumayaan muddo kordhinta halka qaar kale oo balan qaado fiican haystaa u ololeynayaan in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loo qoondeeyey, waxase la sugaaba waa dhawaaqa guurtida iyo kalfadhiga sabtida.

Xigasho Wargeyska Sahan

qoryaalenews2@gmail.comSaylici

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here