Warshadihii Sharaabka Iyo Biyaha Oo Wax Soo Saarkii Joojiyey, Maayar Soltelco Oo Awood Ciidan Adeegsanaya Iyo Heerka Khilaafku Marayo

0
724

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco ayaa warshadaha dalka ee soo saara sharaabka iyo Biyaha dul dhigay cashuur dheeraad oo uu ku soo rogay baabuurta soo qaado wax soo saarkooda, waxaanay talaabadaasi sababtay inay shaqada joojiyaan warshaduhu.

Maayar Soltelco ayaan wali tix gelin  cabashada ay warshadlaydu ka qabaan cashuuraha dheeraadka ah ee uu ku soo rogay, iyada oo gaadhi kasta laga qaadi jiray lacag cashuur ah oo dhan 32,000( Labiyo Sodon kun

oo shilinka somaliland ah) halka haatana laga dhigay 100,250(Hal Milyan iyo laba boqol iyo konton shilinka somaliland ah).

Lacagta dheeraadka ah ee lagu kordhiyey cashuurtii laga qaadi jiray baabuurta soo rarta sharaabka iyo biyaha ayaa aad uga badan tii hore looga qaadi jiray, iyada oo ay ka muuqato in loo kordhiyey si bilaa daraasad ah.

Masuuliyiinta Warshadaha sharaabka iyo Biyaha ayey wararku sheegayaan inay haatan fasaxeen shaqaalihii ka hawl galayey xarumaha warshadaha, isla markaana ay joojiyeen inay soo saaraan sharaab iyo biyo cusub ilaa iyo xal laga gaadhayo cashuurta xad dhaafka ah ee uu ku soo rogay maayarka Hargeysi.

Iyada oo uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya maayarka Hargeysa iyo warshaduhu ayey haatan wararku sheegayaan in maayarku awood ciidan u adeegsanayo meel marinta cashuurta, waxaanay wararku intaas ku darayaan in ciidamo tiro badan la dhoobay goobaha ay ka soo galaan baabuurta sida sharaabka iyo biyaha, kuwaas oo amar lagu siiyey inaanu soo dhaafi Karin baabuur aan bixin cashuurta cusub.

Talaabada uu qaaday maayarka Hargeysa ayaa u muuqata mid la mid ah talaabooyinka ay qaadaan masuuliyiinta xukuumada dhexe kuwaas oo hadyo jeer awood u adeegsada meel marinta go,aamada ay danaha gaarka ah ka leeyihiin.

Ugu dambayna warshadlayda somaliland ayaa iyagu meel adag ka taagan cashuurta xad dhaafka ah ee la dul dhigay wax soo saarkooda, waxaana maalmaha soo socda la dhawri doonaa halka ay wax ku dambeeyaan.

 

Xigasho:Hadhwanaagnewssolteco

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here