MAXAA UGU WACAN BULSHADA SOMALILAND INAY RUMEYSTAAN BEENTA IYO BOGABOGAANDAHA CADAWGEEDU KA FAAFINAAYO SALDHIGA BERBERA IYO MADAXDA QARANKABA .

0
443

“Somalidu waxay ku Maahmaahdaa Sixun wax u Sheeg sixirka darane” Maalin ba maalinta ka Dambeysa waxaad Baraha bulshadu ku kulanto Iyo warbaahinta qaar Ku arkaysaa war togan ama taban oon hanadana sal iyo raad toona lahayn oo laga Sheegayo Madaxda Dawlada iyo Xisbiyada qarankaba Somaliland. Waxa u dambeysay xafladii ay ku martiqaadeen Jaaliyada Somaliland ee Dalka Sucuudigu Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Mudane Maxamud Xashi Cabdi oo halkaa u Joogay hawlo cibaado , markuu ladlaayey jaaliyada hadalkiisa waxa ka mid ahaa isagoo lahadlaya Madaxda Dawlada Somaliya inay Ixtiraamaan heshiiskii labada Madaxweyne kala saxeexdeen. , una jeeda kii dalka Djibouti markiiba waxa umada loogu turjumay heshiiskaasi inuu yahay mid umada laga qarinayo oo Dekada Iyo Madaarka Berbera ah oo Somaliya inoo saxeexday , in badan oo kamid ahay waxay u fahantay heshiiska wasiirku ka hadlayaa ee labada Madaxweyne kala saxeexdeen inuu yahay kii Shirka Djibouti .

qodobadii Heshiiska labada wadan kala saxeexdeen waxa ka mid ahaa qodobadan hoose waxanu u dhignaa sidan:-

Madaxweyne Dawlada Federal ka Somalia Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dawladda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay ku kulmeen Magaaladda Djibouti 21/12/2014. Waxay labada madaxweyne isla garteen:

1- In la dardar-geliyo wada hadalada labada dhinac,isla markaana wakhti lagu jaan-gooyo.

2- labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasiga ah ee masiiriga ah lagu dhiirado,lana fuliyo arrimihii hore loogu heshiiyay oo ah

: A)-In laga dhawraso wixii wada hadalada carqalad gelin kara.

B)-Inaan la siyaasadeyn deeqaha aadaminimada iyo mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiirigeliyo

. C)-In la fuliyo heshiiskii hawadda iyadoo farsamo lagu salaynayo wixii lagu heshiiyay.

Wasiir Maxamuud Xaashi qodobka uu lahaa dawlada Somaliya ha ixtiraato waa Qodobka 2aad farqadiisa B)-Inaan la siyaasadeyn deeqaha aadaminimada iyo mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiirigeliyo.

heshiiskiina waa kii dambeeyey ee labada Madaxweyne kala saxeexdaan majiro heshiiskaa ka dambeeyey, Somaliya heshiiskana jabiyeen waxaanu ka shaqeyn waayey dhinaca dawlada Somaliya madaxdii dawladii hore ee Xasan sheikh iyo madaxweynahan cusuba Farmajo bixitaankiisii u horeeyey ee uu ku tago dalka Sucuudiga waxa uu kala hadlay in lajoojiyo heshiika Dekada iyo saldhiga military ee dawlada Emerate ku lagashay dawlada jamhurida

Somaliland hadaba miyaanay kaaf iyo kala dheeri ahayn , dawladaha Somaliya ee diidan humarka iyo xidhiidhka caalamigaa ee u soo kordhaya qaranka Somaliland markasta inaynu inagu unoqono kuwii sidadban ugu adeegayey rumeysanayeyna Bogobogaandaha iyo beenta ay faafinayaan bulshadeenan daacadaa ee caadifada iyo hubsiimo la,aantuna daraska la noqotay loogu turjumayaa waxa heshiiska wada saxeexay Madaxweynii hore ee Somaliya Iyo Madaxweynaheena Mudane Axmed Maxamed Maxamoud siilanyo Mana jirto sabab aynu dawlada Somaliya ula saxeexano Heshiiska Dekada Iyo Madaarka Berbera goormay Somaliya noqotay dawladii EMARITE ee heshiiku aynu lagalnay.umada waxa lagu majaro habaabinayaa daacadnimdooda awgeed ma Oga inaynu heshiis lagali karno dawladaha aynu danaha kala leenahay inaynu xidhiidh dublomaasiyadeed iyo mid Ganacsibaka kawada xaajoonkarno inagoon haysan aqoonsi sida xidhiidhkan Somliland iyo Emirateka waxaana inoo ogal Qawaaniinta caalimigaa sida (“ De Jure” ) and (“De facto States “) ayaa dhigaya in wadamada citiraafka lahayni la sameysan karaan Xidhiidh Ganacsi , dhaqaale , Nabadgalyo, Maalgashi , Iyo mid Dublomaasiyadeedba , Inay la sameysankaraan dawladaha Qaramada Midoobay kuraasta Iyo calanka ku leh qodabkani waaka Ethiopia, Kenya, Emeriteska iyo dawlado kalaba kula xidhiidhno qaarkoodna safaarado inoogu ogolaadeen , hadaba kireynta Dekada Iyo Madaarkuna waa talaabo xaga horumarka looqaday, dadkana yaan lagu baqo galin Xuutiga ayaa ina soo weerarayee Umad iyo dalkastaaba danahooda ayey raacaan oo ilaashadaana danteena aynu ilaashano faaiido badan baana inoogu jirta , waxaynu ka helaynaa shaqo aboor iyo inay lacag adag wadanka soo galiaan waxay inoo sahlaysaa inynu shirkado kale iyo wadamo kale xidhiidho la sameysano aduunka oo aynu aduunka ku xidhano sida wadan yar ee Djibouti ee 7da dawladood wajoogaan ,dawladba dawladbay soo eegatay .

Waxaan Bulshada iyo Xisbiyada qarankaba u soo jeedin lahaa inaynu dhaqankeenan imika ee Diidmada iyo ku jiqsiidan siyaasada wax ka badalo oo wixii danta ,dalka,dadka,diinta iyo qarankaba faaiido u leh la taageero oon laga hor iminin , wixii se sixis ubaahan la tilmaamo .

Kawaan towno kana korno dacaayadahan raqiiskaa ee cadawgeena ka farxinaysa maalinkasta hadaba muwaadin dhaqankeenu waa Diinta Islamka waanay xaarimtay in meel lagaga dhaco cirdiga iyo Sharafta qofka Muslimkaa umana banaana Madax Iyo mid Mijatoona in laga Sheego waxaan cadayn loo haynin bulshadeena Maanta waxa dhaqan Iyo siyaasad ka noqotay Inaynu faafino Beenta ,ribaynta,Wanjalaad Iyo si Xun wax u sheega . Wax yaabaaha ugu weyn ee dhiirigaliyaan waxa kamida xibiyada qaranka oo looga baahan yahay Barnaamij Siyaasadeed bisil oo lagu taageero inay bulshada ka iibiyaan dadka ku xidhan ee afkaartooda kala taageerana ka waanayaan wixii dawladnimadeena , qaranimada iyo dadnimadeenaba wax u dhimaya

 

Mustafa Ismail Abdi

(IR& Diplomacy MA Candidate)saw

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here