Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Qoddobo ay isku Afgarteen Masuuliyiin sarsare oo ka Socday BBC-da

0
449

argeysa(Qoryaalenewswasir cadani)-Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay  Madaxa qeybta Afrika ee BBC World Service, Mr.  Solomon Mugera iyo Madaxa  laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee BBC World Service, Mrs. Carolina Korbia, kuwaasi oo dalka u yimid si ay ugala  hadlaan dacwadii xukuumadda Somaliland ay dhawaan kaga cabatay dhexdhexaad la’aan ay ka tirsatay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Wasiirka Warfaafintu, waxa uu sheegay in masuuliyiintan loo soo diray inay xukuumadda kala xaajoodaan dacwadii uu isagu u gudbiyay madaxda BBC-da, waxaannu yidhi, “Madaxa qeybta Afrika ee BBC World Service, Mr.  Solomon Mugera iyo Madaxa  laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee BBC World Service, Mrs. Carolina Korbia, waxay  u yimaadeen Somaliland oo madaxdaas waa weyn loo soo diray, cabashadii aanu u gudbiney oo ahayd inaanay BBC-du dhex ka ahayn, arrimaha Soomaalida, inta badanna ay garab siiso Soomaaliya, taasi oo ka baxsan anshaxa warbaahinta lagu yaqaanay.”

Wasiir Caddaani, wuxuu  uu sharraxay  qodobbada ay isla qaateen isaga iyo labadaas masuul,waxaanu yidhi; “Waxaannu  ka wada-hadalay in qoraalkayagii dacwada ahaa uu  ku saabsanaa  in ay dhinac u janjeedho doodaha ay qabato BBC-du, amase warka ka baxa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, in xidhiidhka aanu la hayn ee dheeraa ee ilaa 50-naadkii soo jiray ee aanu la leenahay dalka Ingiriiska iyo BBC-daba.Waxaannu ka wada  hadleynaa oo aanu isla garaney in wixii jira ee cabashooyin ah  laga hawlgalo oo la dhammeeyo, mustaqbalka si caddaalad ah oo dhinacna aan cid-la saareyn ee dhex dhexdhexaadnimo ah loo sii daayo warka BBC-da iyo doodaha ay BBC-du qabato.”

“Waxa kaloo  aanu doonaynaa in sidii markii horeba waddankan loogu soo dhaweyn jiray loogu soo dhaweeyo, wixii shaqo ah ee ay ka qabanayaanna noocay doontaba ha noqotee iyaga oo soo maraya laanta socdaalka iyo wasaaradda Warfaafinta inay   BBC-du hawaheeda qabsadaan.  Annaguna (Xukuumadda) aanu ku faraxsannnahay inaanu hawshaasi kala shaqeyno, haddii ay filimada dukumantarig ah  tahay iyo haddii ay muuqaal wareed kale noqotaba.  markaa waxna waa ay qirteen oo waanu isla garanay.  wixii ay qirteen ee khaladaad ku jirana inay saxaan, kuwa kalana in dib loo eego  la islana fahmo,”ayuu yidhi Wasiir Caddaani, isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray;“Waxa kale oo   BBC- u imanaya TV cusub oo ay u doonayaan sawir-qaade  iyo  wariye. waxaannu kala hadalay inaanu qandaraas la galo ka wasaarad ahaan maadaama oo laga daawanayo guryahayaga dalka Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirku waxa uu u caddeeyay masuuliyiinta BBC-da inaanay wax ujeedo ah oo gaar ah ka lahayn idaacadaas, hase ahaatee ay ilaalinayaan karaamada Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaan BBC-da u sheegaynaa in warbaahintu ay tahay warbaahin xor ah, Somaliland-na waligeedba ay xor aheyd. si kasta oo  aanu ula shaqeyn karanna aanu ula shaqeyno oo labadayada dhinacba xidhiidhkayaga wanaajinaya. waanan idin soo dhaweynayaa waxaanad ogaataan in xidhiidh wanaagsani innaga dhaxayn doono ogaataana inaanu jirin wax ujeeddooyin ah oo aanu leenahay ee ay tahay uun inaanu ilaalino sharaftayada iyo ta idaacada BBC-daba”

Labadan sarkaal waxay qireen in markii ay dib u dhegaysteen doodii laanta afsoomaaliga ee BBC-du qabatay 17-kii Bishii hore ee Feberwari ee uu daadihanayay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isaxaaq ee lagaga hadlayay heshiiska saldhigga millatari ee dawladda imaaraadka carabtu ka sameysanayso Madaarka Berbera, ay ahayd dood dhinac u xaglinaysay.

“Haddii laanta af Soomaaliga ee BBC-du ku guuldaraysato hanashada dhegaysteyaashayada Somaliland, ma aha Sababtu in khaladku ka yimid Agaasimaha guud ee BBC-da, Agaasimaha wararka iyo dhammaan dawladda iyo shacabka Ingiriiska midna ee dhibaatadu cidda ay ka timid waa laanta afsoomaaliga ah ee BBC-da,”ayuu ku dooday Madaxa qeybta Afrika ee BBC World Service, Mr.  Solomon Mugera.

Sidoo kale, Madaxa  laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee BBC World Service, Mrs. Carolina Korbia, ayaa sheegtay in wax ka qabashada khaladaadka ay samaysay laanta afsoomaaliga ee BBC-du ay marinayaan hab-raaca ay Hay’adda BBC-du ku furdaamiso dacwadaha.

 

Cumar Maxamed Faarax
00252 24424148
252 2 9162495

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here