Guddoomiyaha Baanka Oo Ku Fashilmay Inuu Dabro Sarifbararka Dalka Aafeeyey Iyo Baylahda Xafiiskiisa Oo Isqoorsatay

0
478

Go,aamadii Dabarka U Ahaa Sicirbararka Oo Idilkood Madhaleys Noqdey

Mudanayaasha wakiilada ayaa ansixiyey guddoomiyihii baanka  Somaliland ee tahlikariwaayey inuu dabro sicir bararkii aafeeyey dalka waxaaney umuuqata in hogaan fashil ku ah awaamiirtii madaxweynu soo saaray iyo awoodiisii gudoomiye nimco isticmaali karila waxaaney sababtay in badka keento fahan la,aanta shaqada madaxweyne siilaanyo digteerada ugu magacaabay guddoomiyaha baanka,

fashilka dulhoganaya guddoomiyaha baanka ayaa mid aan caadsaarnayn oo marag iyo markhaatiba u ah sicirbararka halkiisii ka kacay kaas oo go,aamadii madaxweynaha ka dhigay kuwo madhaleys ah oo aan halkookii ka dhaqaaqin, shacabka Somaliland ayaa qaba aragtida ah in guddoomiyaha baanka Somaliland iska casilo xilka ummada uhayo maadaama uu waxba ku soo kordhin tan iyo intii siilaanyo ku sooray darajada guddoomiyaha baanka odey xaamud cabdi yoonis ayaa qaba aragtida ah in guddoomiyu xilka baneeyo.” waxaa weeye guddoomiyaha baanku muu noqon sidii la moodayey wuuna ku fashilmay shaqadii loo igmadey tayadii shilinkaa luntay oo wuxuu tahlikariwaayey inuu sicir bararka dejiyo ilaa maanta ilaa markii lamagacaabay waxba iskama badelin  markaa shacabka haka xishoodo oo hayskaga tago meesha madaxweynaha waxaan ka codsanaynaa inuu soo magacaabo nin aqoon uleh oo wax ka qaban kara sicirbararka dhacay waayo ninkani awoodiisiina wuu awdeegsan kariwaayey”

dhanka kale waxaa isna fariin muujinaysa baylahda isqoorsatay ee shaqada guddoomiyaha baanka somliland iftiimiyey xaaji maxamed xasan faarax wuxuuna sheegay in maanta shacabku ubaahan yihiin gudoomiye mayal adag oo xilkan baylahay guta waxaanu yidhi.” waxaan aragnaa sicirbararkii oo aan isbadelin halkiisiina taagan waxaana ugu wacan ninkan baanka loo magacaabay maaha nin shaqaynaya waxaa kaloo muuqda go,aamadii la soosaaray oo fashilmay taasina waxaa sabab u ah waa guddoomiyaha baanka waxay ahayd inuu lacag yar suuqa soo galiya oo kaashka laga uruuriyo baanku ma dollar la wey buuxdaa waxaa ku filan haaf malyan ay suuqa soo galiyaan taasaa badeli lahayd wax laakin imika wax sii socda mooyee waxba soo noqon maayaan markaa dee sidani caqli maahee malaa waa loogu talo galay ee madaxweyne siilaanyo waxaan leenay ninkan ummada ka badel isna hays casilo wuu ku fashilmay shaqadii loo igmadee”

dhamaan aragtida shacabka ayaa umuuqata mid marag futay sicirbararka dalka aafeeyey iyo go,aamadii madaxweyne siilaanyo ee noqdey halkaa maroo muuqaa lawaa.g banka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here