Wasiirka kamid ah wasiirada ugu tunka wayn xukumada axmed silanyo oo u ololaynaya arin ka dhan ah xukuumada iyo xisbiga, wasiirkasoo raacaya wadadi.

0
524

Madaxwaynaha mustaqbalka isagoo ilaalilanaya xeerarka iyo qawaaninta xisbiyada iyo qaranka u dagsan waxuu inta badan cabiraa dareenka shacabka ee ku aadan dhaliilaha jira.

Bulshada ku xiran maqaalada madaxwaynaha mustaqbalka waxay uga barteen qoraalo leh arraar balse waxii maanta ka danbeeya waxaynu toos u guda gali donaa dulucda hadalka waxuu yahay iyo dhaliilaha jira oo aynu toos isaga bilaaban doono.

Sidaynu ogsoonahay madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland oo ah asaasaha xisbiga kulmiye waxuu wasiirada uu xukumo kula dar daarmay inay bulshada u shaqeyaan xisbiga jiritaankisana ilaaliyaan lana shaqeyan xisbiga. noqdaana safiiro u shaqeeya qaranka iyo xisbigaba kumiye.

Hadaba waxaa soo baxaya wasiirada wasiir kamid ah laguna sheego inuu kamid yahay kuwa ugu tunka wayn wasiirada inuu u olalaynayo wadadii ka dhanka ahayd madaxwayne silanyo ee ahayd inaan la tagerin xibiyada mucaaradka, lana tagero xisbiga kulmiye.

Sida ay shegayaan wararka soo garaya madaxwaynaha mustaqbalka wasiirkaasi waxuu u olalaynayaa inuu kasbado wasiiro tageera qadiyadiisa oo ah inay ka wareegan xisbiga ay xukuumadiisa ku jiraan ee ah xibiga kulmiye doonayaana inay galaan xisbiga wadani waxaana u qorshaysan waqtiyada soo socda inay u diga rogan  donaan xisbiga wadani iyagoo koox ahna ay iska casili donaan xilalka ay umada u hayaan wadadaasoo ah wadadii lagga bartay wasirkii hore madaxtoyada .

Waxaynu ogsoonahay xaalada uu dalka marayo, xaladaasoo  ah abaar galaafatay dad iyo duunyaba iyo sixir barar xukuumadii talada gacanta ku haysay awoodi kari wayday inay wax ka qabato, waxayna qaaday talaaboyin qaranka ku xun oo ah go’aamo  aan la dhaqan galin laguna sheegay inay yihin go’aamadasi kuwa madaxwaynaha kasoo baxay xukumadiina ay u hogaan sami wayday inay talabadaas sidii loo bahnaa u dhaqan galiso, waxaana dhaliilaha dhaqan galin la’aantoda kow ka ah wasiirka doonaya inuu u olaleeyo in xisbiga kulmiye laga diga rogto.

Waxaa sii dheer wasiirkasi waxuu yahay mid tusa dareen tagero ah gudoomiyaha xisbiga kulmiye hase ahatee waxaa u qorshaysan talabo aan bulshada inay soo noqoto aysan bogaadin doonin

Guntii iyo gunaanaka ka madaxwayna mustaqbal ahaan waxaan xukuumada iyo xisbiga kulmiye usoo jeedinayaa inay si qoto dheer ula socdaan wasirka donaya inuu dhibaato u gaysto xisbiga iyo xukuumada lagana digtonaado dhaq dhaqaaqyada uu wada.maxamed cismaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here