Ogaysiis-Maamulka Telefishanka Cusub Ee Eryal Tv Oo Soo Bandhigay Shaqooyin Ka Banaan Telefishankaasi

0
672

ERYAL

 

 

 

 

 

Eryal Tv wuxuu Naadinayaa shaqooyin ka bannaan.Tv-ga

Shaqooyinkan oo iskugu jira qaar Maamul iyo kuwo Xirfadeed

1: Agaasimaha Guud ee Tvga 
2: Madaxa suuq geynta
3: Madaxa maamulka iyo xisaabaadka, 
Shuruudaha Looga Baahan Yahay.
A: Inuu leeyahay waayo aragnimo ugu yaraan saddex sano 
B: Inuu ku shaqayn karo duruufaha kala duwan ee Tvga ku xeeran .
C: inuu Leeyahay Aqoon Uu Ku Gudan Karo Shaqadiisa

Qaybta xirfadlayaasha:

Qayta Xirfadlayaasha Oo Ka Kooban Wariyaal, Farsamo Yaqaano Iyo Sawir Qaadayaal

Shuruudaha Looga Baahan Yahay.

A: Inuu leeyahay waayo aragnimo shaqo oo ugu yaraan laba sano ah .
B: in uu akhriyi karo, qori karo waxna ku tebin karo afka A:Soomaaliga
B:English
C: Carabi

C: Inuu bulshada ku dhex leeyahay sumcad iyo dhaqan Wanaagsan .
D: Inuu ku shaqayn karo duruufaha kala duwan ee Tvga ku Xeeran .

Haddaba , waxa codsadeyaasha looga baahan yahay inay CV-gooda kusoo lifaaqan shahadooyinkooda
War ama Barnaamij ay sameeyeen.

Codsadeyaasha waa lasii kala Xuli doonaa inta soo baxda ayaana lala soo xidhiidhi doonaa iyada oo la Mari doono imtixaan guud.

Shaqooyinka xaga sare ku xussan waxa qabashada Araajidoodu socon doontaa muddo todoba maalmood ah oo ka bilaabmaysa 21March ilaa 27March 2017.
Wixii Araaji ah waxaad kusoo Gudbin kartaan
Eryaltv@gmail.com Ama waxa aad kusoo hagaajin kartaan Xafiiska dhexe ee tvga oo ku yaal Agagaarka Miiska Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland Ama Kasoo Horjeedka Haayada Shaqo Doon Ee Magaalada Hargaysa

.
Maamulka sare ee Eryal Tv
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here