Xildhibaan Laga Mamnuucay In Uu Diyaar Raaco Oo Markii Danbe La Dhacay Kabihiisii

0
489

hindi-150x150Nin ka mid ah xildhibannada dalka Hindiya oo kab ku garaacay shaqaale diyaaradeed ayaa laga mamnuucay in uu raaco shan diyaaradood oo waawayn.

Ravindra Gaikwad ayaa la sheegay in uu shaqaalaha diyaaradda dacas ku garaacay 25 jeer, ka dib markii uu kursi ka waayay qaybta hore ee diyaaradda oo ka kuraas qaalisan qaybaha kale ee diyaaradda.

Arrintaasi waxay ka dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Air India.

Air India oo dacwad ka gudbisay arrintan ayaa sheegtay in Gaikwad laga mamnuucay dhamaan duulimaadyada hoos yimaada iisutagg diiyaaradaha ee loo yaqaanno FIA.

Shirkadaha xubnaha ka ah FIA waxaa ka mid ah IndiGo, Go Air, Spice Jet iyo Jet Airways.

Dhammaan diyaaradahaas waa kuwo saamayn wayn ku leh duulimaadyada gudaha ee dalkaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay FIA ayaa sidoo kale loogu baaqay booliska inay tllaabo ka qaadaan Mr Gaikwad

Ururka isutaga duuliyayaasha Hindiya ayaa iyaguna sheegay inay weydiisateen duuliyayaasha inaysan duulinin diyaarad uu rakaab ka yahay xildhibaankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here