Xildhibaan Bidhi Oo Bulshada Gobolka Togdheer Ku Bogaadiyey Kaalintii Ay Ka Galeen Diwaan Galintii Dalka Madaxweynahana Ku Hambalyey Khudbadii Taariikhda Gashay

0
763

 Xildhibaan mubaarig yuusuf cilmi (Bidhi) oo ka mid ah muddanayaasha golaha deegaanka degmada burco ayaa markii ugu horeysay shacabka gobolka togdheer ugu hambalyeey najiitadii midho dhalka ahayd ee ay ka soo hooyeen diwaangalintii codbixiyaasha ee ka dhacdey guud ahaana dalka gaar ahaana gobolka todheer wuxuuna bulshada gobolka togdheer ku bogaadiyey sidey uga soo dhalaaleen diwaan galintaas xildhibaanka waxaa hadalkiisii ka mid ahaa. “

waxaan maanta bogaadinayaa bulshada gobolka togdheer sidey isu diwaan galisay cududeeda codna u muujisay waxaan xooga saaray oon dadka ku wacyigalinay inay is diwaan galiyaan oo ay qaataan kaadhdhka diwaangalinta iyadoo lagu jiro xaalad adag oo abaareed haddana dadku wey is diwaan galiyeen iyadoo gobolka todheerna ahaa gobolkii ugu horeeyey lagu bilaabay diwaan galinta dadka xariirta ah ee gobolka togdheer waxay muujiyeen misayl muwaadino” dhanka kale xildhibaan bidhi wuxuu bogaadiyey badhasaabkii hore ee gobolka maxamed aadan qabyotire kaalintii uuka qaatay diwaan galinta wuuna sheegay” waxaan bogaadhiyaa badhasaabkii hore ee gobolka togdheer qabyotire oo haddana ah wasiirka qorsheynta oo kaalin muuqata ka qaatay in bulshada togdheer is diwaangaliso oo cududeeda muujiyo dedaalkaa uu kageystay kaalinta diwaangalinta waa mid taariikhdu xusidoonto”

sidoo kale xildhibaan bidhi wuxuu hambalyeeyey khudbadii madaxweyne siilaanyo ka jeediyey madashii dahfurka shiidaal baadhista wuxuuna yidhi” waxaan hambalyeynayaa khudbadii madaxweynaha qaranku ka jeediyey madashii shiidaal baadhista waxay ahayd khudbad qiimo badan oo ay ka muuqato waayo aragnimo siyaasadeed, madaxweynuhu wuxuu een muujiyey sida aanu raalida uga ahayn muddo kordhintii loo sameeyey xukuumadiisa iyo golayaasha qaranka taas oo muujinaysa siduu daacada uga yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda wuxuuna soo bandhigay rugcadaanimo siyaasadeed waanan ku bogaadinayaa madaxweynaha qaranka khudbadaa taariikhda gashay”

Xigasho”Wargeyska Sahanxildhibaan bidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here