Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Warbixiyay Qorshaha Wasaaradiisa Uga Meel Yaala Xili Roobaadka Dooxyadda Waawayn Ee Somaliland

0
955

Hargaysa(QYwasir cali mareexanN)Wasiirka wasaaradda hawlaha guud gadiidka iyo guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Cali (Mareexaan) ayaa ka hadlay Qorshaha wasaaradiisa uga meel-yaala Dooxyada waawayn ee soo rogmadda Xili Roobaadka isla markaasina kala xidha in ay gadiidka maraan.

Cali Mareexaan ayaa sheegay in ay dhawaan hirgalin doonaan biriishyo dhaadheer oo gadiidka u fududeeya sidii aanay ugu cadibmi lahayn daadadka xili roobaadka ku soo rogmada dooxyada,waxaana uu edeeyay xisbiga mucaaradka ah ee waddani

Ugu Horayn wasiirka wasaarada hawlaha guud ayaa ka shekeeyay Qaabka ay ugu gurmadaan Xiliyada Roobabku da’aan bulshadda ku cadiba dooxyada in ay maraan waxaana uu yidhi.

“hadda iyo jeer xili roobaadku markay soo dhaw yihiin waxaanu qorshaynaa gadiid cagaf-cagafyo iyo waliba gadiid goobaha iyo dooxyada dushooda diyaar ku ah meelihii khasaare soo gaadhna gurmadna waanu u samaynaa wixii markaas deg-deg ahna waa laga qabtaa,markaas qorshahaas waanu diyaarinay sidii aanu sanadkan iyo sanadkii ka sii horeeyayba aanu samaynay.sidaas ayuu yidhi isaga oo la hadlay HORN Cable Tv

Intaas waxa uu ku daray wasiirka wasaarada hawlaha guud gadiidka iyo guryayna Somaliland mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaa)oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.

“dooxyadan imika dadka qaaday ee biriishyada hooseeya ah ilaa afartankii sanno ee u danbeeyay way dhisnayeen maaha waxaan sanadkii iyo badhkii aan joogay dhisay,markaas waxa ay u baahan yihiin qorshe dheer oo lagaga maarmo dooxyadaas loona sameeyo biriishyadii waawaynaa ee ay wadadu dulmaraysay.

Wasiirka hawlaha guud ayaa sidoo kale ka warbixiyay heshiiska xukuumadda Somaliland lasoo gashay dalka imaraadka in ay ku jiraan sagaal biriish oo waawayn kuwaas oo lagaga maarmi karo dooxyada waawayn ee dadka qaadaya.

“heshiiska aanu imaraadka lasoo galnay waxa noogu jira sagaal biriish oo waawayn oo lagaga maarmi doono dooxyadaas iyo dhibatadaas hadii alle ka dhigna si dhakhso ahna u fuli doono, saddexda sanadood ee soo socda,markaas qorshaas dheer inta ka horaysa waxa la qabanayaa gurmadyo deg-dega ah.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo bulshadda fariin u diraya.”lakiin arinta muhiimka ah ee aan doonayo inaan dadka halkan uga sheego waxa weeyaan dooxyadani waa wax la ogyahay sanadkasta dad ayaa ku dhinta,waa la ogyahay in biyo ku soo dhacaan,markaas dadkan is maqiiqaya ee had iyo jeer dooxa galaya wacyi galin faro badan ayay u baahan yihiin dooxa oo soconaya waa inaan la galin oonu qofku is odhan waad ka talaabi kartaa ileen meesha biyo ayaa maraya, meeshuna dhiidhi ayay leedahay,markaas waxaan leeyahay dadku ha samraan laamaha amaankuna haka joojiyaan.

Gaba-gabadii waxa uu Beeniyay Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan in bulshadda bariga magaalada burco ay loolan adag ugu jiraan jagada guddoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi dabadii waxaana uu yidhi.

“Loolankan aad sheegayso jaraa’idkaasi ayuunbaanu ku aragnaa wax jirana maaha loolan socda oo waliba deegaankaas aad sheegtay siyaasiyiintiisa ka socda ama xisbiga dhexdeesa ka socdaa majiraan,xisbiga kulmiye khilaafkiisu waxa uu dhamaaday 2015kii gaba-gabadiisii,warkanina waa war ka socda dhinaca mucaaradka siiba xisbiga waddani markaad eegto saxaafadiisa iyo meelaha ay wararka soo mariyaan ayuunbaad arkaysaa iyaga oo waxaas ka sheekaynaya oo waliba buun buuninaya oo leha khilaaf ayaa jira oo kulmiye ayaa is haya oo waxaasi waxba kama jiraan,hadii uu jirna sidii kii hore u soo shaac baxay ayuu kana u soo shaac bixi lahaa.

Cali Mareexaan ayaa ka hadlay qorshiisa siyaadeed iyo hankiisa halka uu gaadhsiisan yahay.”siyaasadda waxa loo galaa in mustaqbal laga gaadho oo aniga iyo inta kale ee joogtaaba nin waliba mustaqbal ka gaadho ayuu hiigsanayaa,lakiin hadda waxaanu ka shaqaynaynaa waa laba meelood,dawlada uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland ee imika waddanka soo hogaaminaysa mudada ku dhaw toddobada sanno waxqabadkaas ay waddanka ka samaysay iyo mashaariicdaas loo dhamaystiri lahaa iyo sidii xisbiga kulmiye u guulaysan lahaa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here