Dawladda Canada Oo Somaliland Keenaysa Bilaydho Lagu Kaydiyo Tamarta Cadceeda Iyo Xubno Micida U Soofaystay Helida Mashruuca

0
538

energy-pumpjack

Dawladaha Ugu Awooda Weyn Dunida Oo Isku Baacsanaya Saylada Khayraadka Dihin Ee Somaliland

Dawlada Canada Oo somaliland ka binaynaysa mashruuc ay ku kaydinayso cadceeda tamarta ee somaliland taas oo dalka keenaysa bilaydho lagu kaydinayo tamarta cadceeda kuwaas oo laga dhalinayo koronto, iyadoona goobo ay ugu talo gashay  dhigi doonto bilaydho ah kaydiyayaal cadceedeed  tamarta dhalindoona hadhowna loo badali doono laydh iftiimiya magaalooyinka dalka. mashruucan somaliland ucurtay ayaa ah mid mataanaynaya mashaariicdii hore ee xukuumadu ku heensaysay dhabaha horumarka ee dalku ku talaabasadey taas oo sabab unoqotay in dalal shisheeye isku baacsadaan khayraadka eebe ku galadey dalka taas oo tartan ka dhex dhalisay dalal waaweyn oo dunida ah,

dalalkan oo u xadhko xidhay inay ka dhex muuqdaan saylada dihin ee somaliland ayaa noqonaya mid indhaha caalamka ku soo jeedinaya khayraadka dalka halka uu ka nixinayo cadowga somaliland.

mashruucan ayaase ah mashruuc ay dilalnimadiisa ku hirdamayaan  saddex gacmood oo aan muuqan kuwaas oo midba dhankiisa ku loolamayo inuu helo mashruucan xubnahan isku baacsanaya mashruuca ayaa ah kuwo dhitooyin dabin ah isku dhigaya sidii uu mid waliba dhankiisa u noqon lahaa guulaysta ay gacanta u gasho mashruucani.

Cilmiga ka faaiiysiga tamarta dabiiciga ah ayaa ka mida Hindisayaasha ugu waawayn ee ay dunidu higsanayso Mustaqbalka taasoo lagaga kaaftoomi Doono shidaalkii iyo Kharahkii badnaa ee ku bixi jiray matoorada, Baabuurta.  is badalka qiimaha shiidaalka tamarta  waxaana  khayraadka dihin ee somaliland gaar ahaana tamarta laga dhalindoono korantada ayaa noqotay mid ay siweyn indhaha ugu hayaan shirkadaha dabka u dhaliya wadanka canada kuwaas oo diirada saaray istaraajida maalgalinta tobbonka sanno ee soo socda.

waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay dalka yimaadaan khubaro iyo wafuud ka socda dalka canada kuwaas oo indho indhaynaya deegaanada la dhigayo bilaydhada tamarta cadceeda kaydiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here