Xildhibaan Bidhi oo Deeq Biyood u Diray Qoryaale Iyo Deedama oo ka Tirsan Gobolka Togdheer.

0
501

booyada

 

 

Burco(QoryaaleNews)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka degmadda Burco, ayaa  maanta booyado biyo ah bishii afraad oo xidhiidh ah u kala diray degmada Qoryaale  iyo tuullada Deedama ee degmadda Qoyta oo labaduba ka tirsan gobolka Togdheer.

Xildhibaanku wuxuu deeq biyood gaadh siiyay bulshada ku dhaqan labadaas deegaan oo ka mid ah jiidaha abaarta kulul ee wadanka ka jirtaa saameynta taban ku yeelatay.

Odayaal iyo waxgaradka deegaanka ayaa xildhibaanka uga mahadceliyay deeqda biyaha ah ee uu bishii afraad oo xidhiidh u u soo diray deegaannadan, waxaanay sheegeen in biyahan baahi weyn loo qabay.

Waxgaradka Qoryaale iyo Deedama waxay  sheegeen in xildhibaanku uu u soo dhiibay deeqday xubno ka mid ah odayaasha deegaanka, waxaanay balan qaadeen inay iyaguna gaadhsiiyeen dadkii loogu tallogalay.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu ka mid yahay masuuliyiinta faro ku tiriska ah ee ka qayb qaata horumarinta gobolka Togdheer. Wax kaloo uu door ku leeyahay adeegyada waxbarashada iyo ciyaaraha gobolka Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here