Boorama: Kulan Dhexmaray Guddida Ololaha Beelaha Subeer AWAL Iyo Qoorweynta Beesha Makaahiil Oo Shuruud Shirka Dhigtay

0
548

qoryaaleDalabkii Guddida Ololaha Ee Subeer AWAL iyo Doodii Dhaqanka Ee Beesha Makaahiil

Kulan joog hoose ku socda ayaa dhex maray madax-dhaqameedka,Siyaasiyiinta iyo Odaayaasha Beelaha Subeer Awal isla markaana ku magacaaban guddiga Kaambaynka iyo Ololaha Murrashax Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xasaasi ah magaalada Borama kula  yeeshay madax-dhaqameedka Beesha Makaahiil (Samaroon).

 

Waxaana kulankan uu ka dhacay Hotel Rays ee magaalada Borama kaas oo saacado badan qaadatay sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo goob joog ka ahaa kulankaasi oo ahaa mid ay isku jilba dhigeen labada dhinac ee madax-dhaqameedka Beelaha Subeer Awal iyo madax-dhaqameedka beesha Makaahiil (Samaroon).

Waxaana kulankan oo ku bilowmay garnaqsi iyo dood adag ayaa gudida  Kaambaynta iyo Ololaha xisbiga KULMIYE iyo madax-dhaqameedkan Beesha Makaahiil (Samaroon) ay ka wada hadleen sida xoguhu tibaaxayaan arrimo xasaasi ah oo ay ugu muhiimsan tahay taageerida xisbiga KULMIYE iyo Murrashax Muuse Biixi,waxaana ay guddigan Ololaha iyo Kaambaynta KULMIYE ee beelaha Subeer Awal ay madax-dhaqameedkan usoo bandhigeen in ay sanadkan marti uga yihiin inay u codeeyaan Murrashax Muuse Biixi iyaga oo ka codsaday inay taageero cod raadin ah kala raadiyaan beelaha kale ee Samaroon si uu usoo baxo Murrashax Muuse uuna ugu guulayso talada dalka.

Intaasi kadib ayaa madax-dhaqameedkii ka socday Beesha Makaahiil (Samaroon) oo la sheegay in aanay kulankaasi xaadir ka ahayn qoorwayntii Beeshaasi ay  xubnihii goob jooga ahaa guddigan ku xidheen Shuruudo badan iyaga oo sidoo kalena u sheegay in badiba Beesha Makaahiil ay taageersan yihiin Murrashaxa madaxwayne ku xigeenka WADDANI Amb Maxamed Aw Cali Cabdi balse ay kala shaqayn doonaan waxii dhankooda ah.

 

Waxaana kulankaasi ka dhashay Buuq iyo Sawaxan iyo in kulankii mar qudha isku badalay kulan siyaasadeed iyaga oo ay qaar kamid ah madax-dhaqameedka Beesha Makaahiil (Samaroon) ee goob jooga ahaana ay ka xanaaqeen kulankan iyaga oo dibada uga soo baxay,waxaana ay xuseen in aanay is waafaqsanayn nuxurka kulankan ay madax-dhaqameedku ugu yeedheen iyo waxay kala hadleen.

Waxaana kulankan xasaasiga ah ee dhex maray guddiga Beelaha Subeer Awal ee ku magaacaban guddiga Kaambaynka iyo Ololaha xisbiga KULMIYE iyo Murrashax Muuse Biixi iyo madax-dhaqameedka beesha Makaahiil (Samaroon) uu noqday mid aanay kasoo bixin natiijo iyo qodobo ay ku heshiiyeen labadan dhinac oo ay isla qaateen.

Gabagabadiina guddigan  madax-dhaqameedka,siyaasiyiinta iyo Odayaasha ka kooban ee ka socda Beelaha Subeer Awal isla markaana loo magacaabay guddiga Kaambaynka iyo Ololaha Murrashax Muuse Biixi ayaa la filayaa inay kulamo kale la qaataan beelaha gobolka Awdal.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here