Urur khayri ah ayaa warbixin uu soo saaray kaga digay in caanaha iyo waxyaabaha kale ee laga sameeyo caanaha oo cuntada dadka da’da yar laga saaro in ay “halis ku tahay” fayo qabka lafaha jidhka.
Ururkan oo la dhaho National Osteoporosis Society ayaa daraasad uu sameeyey ku ogaaday in shan meeloodoow meel dadka ka yar 25 jirku ay iska daayeen caanaha iyo cuntooyinka ka samaysa caanaha.
Waxaanay sheegtay in walaaca jira uu yahay in dhallin yarada badankoodu ay halis arintaa ku gelinayaan caafimaadkooda.
In qofku iska daayo caanaha iyo cuntada kale ee caanaha laga sameeyo caafimaadka qofka waxba uma dhimayso waase hadii uu qofku quuto cuntooyinka kale ee laga helo Kaalshiyaamka sida lawska iyo kalluunka oo kale, qofkii aan siddaas samayninna halis caafimaad ayuu qaadayaa.
Ururku wuxuu daraasadda ku sameeyey 2000 oo qof oo ay ku jireen 239 da’dodu ka yartay 25 jir iyo 339 da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 35 jir.
Caanaha iyo cuntooyinka caanaha laga sameeyo ee ay ka midka yihiin burcadka iyo gadhoodhka ayaa waxay qani ku yihiin maadada Kaalshiyaamka ee dhista lafaha.
Daraasadda ururku sameeyey waxay sheegaysaa in dadka da’da yari ay talooyinka caafimaad ka qaataan dadka wax ku qora internetka, ee aanay dhakhaatiir wax ka qaadan.
Haseyeeshee, ururku wuxuu sheegay in inkastoo talada internet ka laga helo ay fiicantahay, inuu jiro walaac ah in talooyinkaa qaarkood da’yarta ka xadidaan cuntooyinka.
Daraasad ay dhawaan samaysay wakaaladda tayada cuntooyinka ee Ingiriiska ee la dhoho Food Standards Agency ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad kala badh dadka da’doodu ay u dhaxayso 16-24 jirka ay caanaha lo’da iyo cuntooyinka laga sameeyo caanaha xasaasiyad ka qaadaan tiradaas oo ka badan marka la barbar dhigo ta dadka da’doodu ka wayntahay 75 jir ka oo iyaga boqolkiiba 8 keli ahi xasaasiyaddaa qabaan.