Shiinaha Oo Ka Digay Dagaal Dhex-mara Mareykanka Iyo Kuuriyada Waqooyi

0
556

Shiinaha ayaa ka digay dagaal ka dhex qarxa dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada waqooyi, iyadoo xiisada udhaxeysa labada dal ay cirka isku shareertay.

_95649464_a6ce4484-88eb-4970-af6c-acb1362419d7

Wasiirka arrimhaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dagaalka aysan cidna ku guuleysaneynin.

Hadalka Mr Wang ayaa yimid maalmo un kaddib markii dowlada Mareykanka ay walaac ka muujisay horumarinta hubka Nukleyrka ee Kuuriyada waqooyi, waxaana Mareykanka uu maraakiib dagaal u diray gacanka kuuriyada.

Markab dagaal

Khilaafka labada dal ayaa yimid kaddib markii dowlada K/waqooyi ay tijaabisay dhowr gantaal taasi oo ka careysiisay dalal ay kamid yihiin Japan iyo Mareykanka.

War laga baahiyay wakaaalada wararka ee dalka kuuriyada waqooyi ayaa looga digay Mareykanka in uu joojiyo dandansiga milateri ee uu wado.

Milateriga kuuriyada waqooyi

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMilateriga kuuriyada waqooyi

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegay in ay ka jawaabi doonaan ficil walba oo dandansi ah.

Wasiir ku xigeenka arrimha dibada ee dalkaasi Mr Han Song-ryol ayaa isna dhankiisa sheegay in uu rumesanyahay in Madaxweynaha Mareykanka uu wado qorshe uu ku burburinayo dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here