Tacsi”Madaxweynaha Somaliland Oo Wasiir ku-xigeenka Madaxtooyada Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Hooyadi.

0
863

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland, ee ay ka baxday Alle haw naxariistee Marxuumad Asli Axmed Dable oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 14/04/2017, magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Mudane. Axmed Xaashi Cabdi oo ay hooyadii ahayd.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

TACSI

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUNMADAXWEYNE-300x206

1. Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi

2. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Md. Cali Axmed Cali

3. Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees

4. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Arrimaha Gobollada Bari ee JSL, Md. C/rashiid Xuseen Cabdille (Carab)

5. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Marwo Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh)

6. Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Md. Xuseen Aadan Cige (Deyr)

7. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada. Md, Khadar Cali Gaas

8. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka, Marwo. Amaal Xaaji Miisaan

9. Xoghayaha labaad ee Madaxweynaha Md. Mowliid Maxamed Xaashi

10. Xoghaynta Marwada Kowaad Marwo.Sabaax Cali Diiriye

11. Agaasime Waaxeedyada madaxtooyada

12. Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Gashaanle sare Cabdirisaaq Siciid Bulaale

13. Taliye Ku xigeenka, Gashaanle dhexe Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos)

14. Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Gashaanle Nimcaan Yuusuf Cismaan iyo Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL, waxay tacsi u dirayaan Wasiir Ku xigeenka Madaxtooyada, Mudane Axmed Xaashi Cabdi oo ay ka tacsiyadaynayaan Geerida ku timid Hooyadii Asli Axmed Dable, oo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/04/2017,ku Geeriyootay Magaalada Hagreysa, Sidoo kale waxay tacsi taasi la mida u dirayaan qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuumadu.

Waxaanay dhamaan Masuuliyiinta kala duwan iyo Shaqaalaha Madaxtooyadu Marxuumada Alle uga baryayaan inuu u naxariisto suaasha qabrigana ha u fudaydiyo, intii ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Naasir Yuusuf Daahir

Secretary Office Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here