Maxaa Keena Macaanka, Se Sidee La Iskaga Ilaalin Karaa

0
734

qoryaaleCudurka macaanka layidhaahdaa waxa uu ka mid yahay cudurrada aadka u khatarta badan, isaga oo qofka uu ku dhaco ku keena dhibaatooyin badan oo ka haleela xubnaha jidhkiisa sida kalyaha iyo indhana, waxa intaas u dheer in aanuu walibana qofku dareemayn arinkaas, hase ahaatee suaashu waxay tahay sidee ayaynu uga dhawrsoonaan karnaa macaanka?

Dheecaanka (Hormone) lagu magacaabo “Insulin” ayaa waxa u yahay cida koobaad ee kaa masuul ah cudurkan inuu ku dhaco qofka, waayo shaqada dheecaankani waxa weeye in uu furo unugyada dhiiga si ay u gasho Glucose-ta laga sameeyay cuntada la nuugay, khalkhal yar oo ku yimaada dheecaankan ayaa waxa uu sabab u noqonayaa in ay kor u kacdo sonkorta dhiiga ku dhex jirtaa.

Xanuunkan macaanka ayaa sidiisaba laba nooc u qaybsama, nooca koowaad waxa uu burburiyaa unugyada loo yaqaan BETA ee ku dhex jira Beeryarada, taasi oo sabab u noqota in la joojiyo soodayntii Ensouline-ta, nooca labaadna waa la soodaayaa Insulin-ta hase ahaatee unugyada ayaan jawaabtii la filayay soo celin taasi oo jidhka ku keenta inuu soo daayo xaddi ka badan intii loo baahnaa.

Iyadana sonkorta aya jidhka kusii dhex nagaata taasi oo aan wax isbadala lagu samayn, kadibna dhibaato ku keenta tuumbooyinka dhiiga qada.

Hadaba inkaste oo ay badan tahay sababaha loo qaado xanuunkan ayaa khabiir kan ku nool magaalada Hedlezburg ee wadanka Jermanay magaciisana la yidhaahdo Hanz TzyeirMan ayaa waxa uu sheegay in cudurkan intiisa badan laga qaado culayska qofka oo siyaada, isagoo tilmaamay in hab nololeedka cusub oo badiyaaba wax dhaqdhaqaaq ah oo badan aan la samayni, cuntooyinka carbohydrates-ka, fats-ka iyo Sonkorta ayaa cudurkan ka masuul ah.

Tyzerman waxa kale oo uu sheegay in si dagdag ah oo  loo ogaadaa uu caawimo ku siinayo in uu qofku ka dawoobo cudurkan, balse joojita dawada ayaa iyana dhibaato weyn soo gaadhsiinaysa indhaha qofka iyada oo indha la’aan u horseedaysa iyo waliba kalyaha oo dhibaato wayni soo gaadho isla markaana burbura.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here