Nuxurka Kulamo Dhex Maray Imaaraadka, Farmaajo iyo Raysalwasaarihiisa Oo Sabab Unoqday Baaqashada Mooshinkii Dhicisoobay Ee Saldhiga Berbera.

0
651

Kulamo Soomaaliya Sandule Kagadhigay Inuu Ka Laabto Mooshinkii Xildhibaanada lagu Soo Dhabartaabtay

Baarlamaanka Somaliya ayaa u muuqda inay joojiyeen mooshin ka dhan ahaa Heshiiskii Saldhiga Milateri ee dhex Maray Dawlada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta kadib markii ay dawlada Imaaraadku cadaadis ku saartay in ay faraha kala baxdo arrimaha Saldhiga Milateri ee Berbera laga siiyey.

Mooshinkan oo mudooyinkii u danbeeyeyba hor yaalay mudanayaasha golaha baarlamaanka Somaliya kadib markii ay halkaasi keeneen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Muqdisho ayaan laga doodin iyada oo uu u muuqdo inuu gabi ahaanba fashilmay.

Tan iyo markii ay gudoonka baarlamaanka loo gudbiyey mooshinka waxa hoos loo dhigay in doodiisa ay guddo galaan xildhibaanadu taas oo loo sababaynayo in ay ka danbaysay kulan uu safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdisho uu la yeeshay madaxwaynaha Somaliya Md Farmaajo,Raysal Wasaaraha Dalkaasi Xasan Cali Khayre iyo waliba gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya isla markaana uu kala hadlay joojinta mooshinkaasi.

Sidoo kalena sababaha loo joojiyey mooshinkan ka dhanka ahaa Saldhiga Milateri ee Berbera ayay wararku sheegayaan inuu la xidhiidho safarkii uu madaxwaynaha Somaliya ku tagey Imaaraadka taas oo ay Imaaraadku usoo bandhigeen in heshiiskan ay la geleen Somaliland,waxaana ay usoo bandhigeen inuu joojiyo mooshinkaasi saldhiga Milateri taas  oo madaxweyne farmaajo dawlada imaaraadka ka codsadey inay ka caawiyaan arrimaha nabad galyada somaliya.

Gabgabadiina Baarlamaanka Somaliya ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda fasax galo,waxaana hadii goluhu fasax galo oo la xidho Kalfadhigoodii Koowaad,waxa sidaasi daaqada uga bixi doona mooshinkaaasi ka dhanka ah Saldhiga Milateri ee Berbera ee wakhti xaadirkan hor yaala baarlamaanka Somaliya far

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here