Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliand Oo Soo Kormeeray Mashruuca Horumarinta Beeraha Ee Deegaanka Aburiin Oo Laga Maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee sdf+SAWIRO

0
484
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-tire) ayaa soo kormeeray mashruuca horumarinta beeraha ee ay Wasaaradda Beeraha Somaliland ka fulinayso deegaanka Aburiin ee laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Image may contain: one or more people, people standing, cloud, sky, outdoor and natureImage may contain: 3 people, people standing
Mashruucan oo ka kooban laba qaybood oo iskugu jira dhaqaalaynta ciida iyo biyaha. ayaa haatan meel fiican maray iyadoo wajigii hore uu dhamaaday sidii loogu talagay wajigii labaadna uu hada bilow fiican marayo.
Image may contain: sky, house, outdoor and nature
Warbixin kooban ay hawlwadeenada mashruucu ka siiyey Wasiirka ayaa waxay ku sheegeen in tirada guud ee balayiyada uu sameynayaa ay tahay 28 balli tirada biyaha ay qabanayaana ay tahay 300,000 miter cubic xiligiiba waxaanay xoolaha haynayaan ilaa 8bilood. waxa kale oo mashruuca laga sameynayaa 17 barkadoo oo midkiiba ay qaadayso 210 miter cubic, waxa kale oo uu mashruucu qabtay 8960 oo naxaro ah oo midkiiba uu qaadayo miter cubic.
sida warbixintu ay sheegtay waxa uu mashruucu xili roobaadkiiba qaban doona biyo xadigoodu dhanyahay 1,500,000 miter cubic, waxa kale oo uu mashruucu buuraha ku beeray 12,000 geed,sidoo kale mashruuca ayaa shaqo abuur sameeyey.
Image may contain: 2 people, people standing
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-tire) ayaa isaguna dhankiisa aad uga mahadnaqay hawlwadeenada mashruuca oo uu ku amaanay sida wadaniyadda le ee ay uga shaqeeyeen mashruuca, isagoo ka xukuumadd ahaana sheegay inay qorshaha horumarinta qaranka ee labaad oo ay Wasaaradda Qorshaynta diyaarinayso ay doorkan muhiimadda kowaad siin doonaan ilaalinta iyo horumarinta deegaanka oo ay ugu horeyayn doonaan, badbaadinta deegaanka, dhaqaalaynta ciida iyo biyaha.
Image may contain: one or more people and people standing
gabagabadii Wasiirku waxa uu u mahaddnaqay Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here