Xildhibaan Mubaarik Bidhi ‘Dhakhaatiirta Imaaraadku Waa Qayb ka Mid ah Iskaashiga Somaliland la Yeelatay Dalalka Khaliijka’

0
609

bidhi Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco, ayaa sheegay  inuu ku diirsaday dhakhaatiirta Imaaraadka ka socota ee adeegga caafimaad ee lacag la’aanta ah ku dawaynaya 5000 oo qof oo muwaadiniin ah. Waxaanu xusay in dhakhaatiirtani ay qayb ka tahay wax wada qabsiga Somaliland iyo Imaaraadka oo dawladdu ku guulaysatay inay kasbadaan.

Xildhibaanku wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu u waramayay shabakadda wararka ee Gudgude oo ka hadlayay dhakhaatiirtan, waxa uu yidhi; “Waxaan soo dhaweynaynayaa kooxda dhakhaatiirta ah ee Somaliland u timi inay daweyn iyo baadhis lacag la’aan ah ugu sameeyaan illaa 5000 oo qof oo muwaadiniin ah, kuwaasi oo toddobaadkii hore dalka yimmi oo adeeg caafimaad ka wada garoonka weyn ee Hargeysa Stadium. Adeeggani sida uu sheegay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu mustaqbalka isku bedali doonaa inuu noqdo mid sannadkiiba dhawr jeer ay dalka yimaadaan oo ay gobollada wadankana tagi doonaan.”

“Dhakhaatiirtani waxay ka mid tahay natiijada iskaashiga xoogeystay ee Somaliland la leedahay wadanka Imaaraadka carabta. Waxaanan ku ammaanayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la yimid siyaasad cusub oo furfuran oo ay Somaliland ku kasbatay dawladan qaniga ah,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi, waxaa kaloo uu ammaanay danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka oo uu ku sifeeyay inuu kaalin weyn ka qaatay isku-xidhka iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka.

Waxaanu intaas ku daray in Danjire Baashe dedaal u galay heshiisyadii Somaliland la gashay shirkadda DP World ee casriyaynta dekadda Berbera iyo heshiiskii labaad ee dawladda Somaliland imaaraadka ku siisay saldhigga Millatari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here