Kuuriyada Waqooyi Oo Hanjabaadda Maraykanka Kaga Jawaabtay Tijaabada Gantaal Kale

0
563

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa mar kale tijaabisay mid kamid ah Gantaaladeeda riddada dheer, balse waxaa lagu soo warramayaa in gantaalkaasi uu hawada ku qarxay daqiiqado kadib, iyadoo la rumeysan yahay in tijaabadaasi lagu fashilay.

Arrintan ayaa imaaneysa xili Maraykanka ku hanjabayo inuu tallaabo militari ka qaadi doono Kuuriyada Waqooyi haddii ay sii waddo tijaabinta hubkeeda Gantaalada iyo Nukliyeerka.

Tijaabadan cusub ayaa u muuqata mid loogu jawaabayey Maraykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tellirson oo doraad Ka qeyb galay kulankii Golaha Amaanka ee lagaga hadlay xiisadda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in Maraykanka uu diyaar u yahay in wada-hadal toos ah la galo dalkaasi, balse aan loo dulqaadan doonin ficilada xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.

Inkastoo la sheego in labadii tijaabo ee ugu danbeysay gantaalada Kuuriyada Waqooyi lagu fashilay, haddana tijaabooyinkan ayaa ah kuwo ay ka korodhsadaan macluumaad dheeraad ah oo ay sare ugu sii qaadaan aqoontooda gantaalada, iyadoo yoolkoodu yahay inay helaan gantaal dhameystiran oo xambaari kara hubka Nikliyeerka oo gaadhi kara dalka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here