Mucjisooyinka Eebbe: Arday labada gacmood (Bidix &Midig) wax ku qora Kuna Nool Waddanka Hindiya

0
812

Dhamaan ardayda dhigata dugsi ku yaal dalka Hindiya ayaa la sheegay inay casharada ku qoraan labada gacmood midig iyo bidixda, halka qaarkood luuqadaha kalena qoraan.

Dugsigan la yaabka ah ayaa maamulahiisu sheegay inay ku bilaabaan ardayda barida isticmaalka labadooda gacmood fasalka koowaad, taasoo keentay inay fasalka afaraad iyo shanaad awoodaan adeegsiga labada gacmood.

Qiyaastii boqolkiiba toban shacabka Hindiya ayaa gacanta bidix wax ku qora, balse keliya boqolkiiba hal tirada dadka Hindiya ayaa labada gacmood wax ku qori kara.

Xiisadaha dugsiga oo 45 daqiiqadood ah ayuu sheegay maamule Vp Sharma inay 15 daqiiqadood ardaydu lagu baro inay ku tabobartaan adeegsiga labada gacmood.

Waxaan kaga dayday xirfadan casharadii madaxweynahii koowaad ee Hindiya oo labada gacmood wax ku qori jiray.

Mr Sharma ayaa yidh “Waxaan ka akhriyey joornaal in Dr Rajendra Prasad, madaxweynahii koowaad ee Hindiya u adeegsan jiray  qoraalka labadiisa gacmoodba bidix iyo midig, sababtaa ayaan igu khasabtay inaan tijaabiyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here