Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel Oo La Kulmeysa Madaxweynaha Ruushka Si Ay Uga Wada Xaajoodaan Xasaradaha Suuriya Iyo Ukraine

0
490

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa lagu wadaa inay Ruushka kula kulanto Vladimir Putin, waana kulankoodii u horeeyay tan iyo sanadkii 2015kii.

_95864663_9b34877b-c239-48e5-9b53-d2f8af459855

Kulanka oo ka dhici doona halka uu Putin ka deggan yahay Sochi ayaa ku soo aadaya xilli xidhiidhka labada dal uu ku xumaaday dagaalka Suuriya ka socda iyo qabsashada gobolka Crimea.

Waxaa lagu wadaa inay kulankooda uga wada hadlaan labada arrin, balse inay xal ka gaari doonaan lama oga.

Putin ayaa kaddib Arbacada la kulmi doona hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionPutin iyo Erdogan ayaa Arbacada ballansan

Xiriirka u dhaxeeya Ruushka iyo Jarmalka ayaa ka sii darayay tan iyo intii uu Ruushku dhul-ballaarsiga ku sameeyay gayiga Crimea sanadkii 2014kii, iyadoo Jarmalkuna uu dabada ka riixayay cunaqabaneyntii uu Midowga Yurub arrintaas kaga jawaabay.

Labada dal oo ka tirsan dalalka adduunka ugu awoodda badan, ayaa dhawaan isugu yimid shirar caalami ah.

Balse kulankan oo ujeeddadiisa rasmiga ah ay tahay ka wada xaajoodka shirka hogaammiyeyaasha caalamka ee ee G20 ee lagu qaban doono magaalada Hamburg bisha todobaad.

Safarkan ugu horreeyay ee Merkel ay ku tagto Ruushka muddo labo sano ah.

Merkel ayaa ka dooneysa Ruushka inuu xal u helo soo afjaridda dagaalka Ukraine isla markaana uu ka taliyo nabad ku soo dabaalidda Suuriya.

Balse madaxweyne Putin ayaa si taas la mid ah doonaya taageerada Merkel ee ku aaddan qaadidda cunaqabeynta Midowga Yurub.

Putin ayaa sidoo kale doonaya inuu ogaado fekerkeeda ku aaddan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ay dhawaan la kulantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here