Qurbajooga Beelweynta Habarjeclo Ee Ku Dhaqan Dalka Ingiriiska Oo Shir Ay Ku Taageerayaan Xukuumadda Iyo Murashaxa KULMIYE Qoddobo Ka Soo Saaray

0
688

Qoorweynta Beesha Bariga Burco Ee Dalka Ingiriiska Oo Diiradda Saaray Ajandayaal Uquus-Gooyey Siyaasiyiin Quud-daraynayey Iyo Xildhibaan Bidhi Oo Noqdey Tareen Xidhiidhiya Shirka Lodon Iyo Madasha shirkii BURCO

Shir Balaadhan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha ka midda Siyaasiyiinta , Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha HJ ee Dalka Ingiriiska . ayaa maanta waxa lagu Qabtay Bariga Magaaladda London. iyadoo ay hore u dhaceen shirar kala duwan ayaa  kani waxaa uu ka mid yahay shirkii ugu danbeeyey oo caawa . lagu soo geba-gaboobay Bariga Magaaladda London ee Cariga Ingiriiska.

Shirkan ayaa ahaa mid , si heersare ah loo soo Agaasimay, isla-markaana lagu Falan-qaynayey ama ujeedadda loo qabtayba ku qotantay.Dardar-gelinta Hawlaha Xisbiga Kulmiye iyo Sidii loo Horumarin lahaa.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen aqlabiyadda Qoorweynta Beesha . ayaa waxaa looga hadlaayey ujeedada guud Beesha .Siiba dhinaca :- Siyaasadda . Midnimadda . Tageeradda iyo Dardargelinta Hawlaha Xisbiga Kulmiye.

Shirkan ayaa Madaxdda Sare ee Qurba-jooga Uk ee Beeshu. ay mudnaan gaarka ah siyeen Arrimaha Siyaasadda . Taasi oo dhalisay inay noqoto fursad ay ku soo bandhigaan . isla-markaana ay si mudnaan leh uga doodaan waxyaabaha asaaska u noqonaya xoojinta Midnimadda iyo  Iskaashiga heer sare ah ee beesha iyo sidii aynu  ku wada gaadhi lahayd Shirka “Garadag(Two)”.

“Kulanka maanta wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca togan ama sidii lagu gaadhi lahaa qorshe heer sare ah oo lagu gaadhi doono Shirweynaha “Garadag2” ee soo socdaa.

Intaa ka dib waxaa shirka laga soo jeediyey warbixin  ku saabsan  marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray iyo dedaalka laga sameeyey ee maanta midhahoodii ay si fiican dalka oo dhan uga muuqdaan.

Shirka ayaa  ka waramay . Wax-qabadka . Nidaamka Iyo Hawlaha dardar-gelinta Xisbigu halka ay marayaan iyo waliba taageerada balaadhan ee dalka  iyo  dibadba Xisbiga Kulmiye loo hayo.  taas oo ka muuqata tiradda Xubnaha  shirkan taariikhiga ah ka soo qayb galay. Waxa kale looga xog-waramay xubnaha Shirka ka soo qayb galay Horumarka JSL gaadhay intii Xisbiga Kulmiye taladda hayey. Gaar ahaan Guulaha waaweyn ee laga soo hooyey dalka gudihiisa sida Nabadgelyadda guud ee JSL gaar ahaana Gobalka Sool . Dhismaha Wadadda Ceerigaabo . Heshiisyadda Caalamiga Sida Dekedda Berbera (Dp World). Biyo Xidheenka Xunbo,Weyne  iyo Natiijadii ka soo baxday Booqashooyinkii joogtadda ahaa gudaha iyo Safaradii Madaxweynaha JSL, Md Axmed Siilaanyo  iyo Wafdiyadii kala duwanaa ee uu Hogaaminayey ku yimaadeen Ingiriiska, Itoobiya iyo Imaaraadka.

Waxaa kale oo Shirkani  qorshihiisa  guud ahaa : Sara-u.qaadka Tacabkii iyo Tageeradda balaadhan ee ay Beeshu u hayso Xisbul-xaakimka Kulmiye iyo  Siyaasada guud ee Dalkaba.

Waxaa iyadana wax layska weydiiyey . Siyaasadda Beeshu kula Macaamileyso Xisbiga Kulmiye iyo inaanay waxba iska bedelin . Kana mideysan tahay markasta in ay BeeshuTaageerto Xisbiga Kulmiye oo ay Asaaskiisa ay ka mid ahayeen dadkii tacabka ku lahaa.

Shirka ayaa waxaa kale oo lagu sheegay. Sidii loo xakameyn-karo. Dadka danahoodda gaarka ah. u shaqo tegay ,isla-markaana aan si rasmiya u metelin Iyo In Markasta Beesha Bariga Burco ay garab-socoto musharaxiinta Xisbiga Kulmiye, siiba kuwa iminka sharaxan. Md Muuse Biixi Cabdi  iyo Md. Cabdiraxmaan Saylici.isla-markaana aan cidina shaki gelin Karin Tageeradda balaadhan.

Kulanka ayaa waxaa si toos ah khadka Taleefanka uga qayb galay :- Xildhibaan Mubaarik Yusuf Cilmi (Bidhi).oo isagu hawsha gudaha qaabilsanaa . isaga iyo  Aqoonyahan. Yuusuf Maxamed Cariish. Wakiilka Kulmiye ee Komishanka Doorashadda. Maxamuud Cabdiraxmaan Xirsi . Iyo Jaamac Xuseen Yalaxle. Odayaasha Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer.. Waxaana la xidhiidhay Maamulka Qaban-qaabadda shirka.

 Xildhibaan Mubaarik Yusuf Cilmi (Bidhi) oo ka midda Golaha Degaanka Burco. kana midda xildhibaan aad ugu firfircoon hawlaha danta guud iyo kuwa dhinaca siyaasadda ee Xisbiga Kulmiye  ayaa isaga oo ku sugan xarunta Gobolka Togdheer . Waxaa uu  Siyaasiyiinta Iyo Odayaasha shirka kaga  qayb-galay . ku bogaadiyey hawsha danta guud ee ay u guntadeen iyo Tageeradda  Beeshu u hayso Xisbiga Kulmiye  waxaanu ammaan aan xad lahayn u soo jeediyey Qurba-joogga Beesha oo ka mid ahaa ayna is wada garanayaan, isagoo ku tilmaamay. waa sida uu hadalka u dhigaye .   inay yihiin Mishiinka waddanka wareejiya, Waxaanu ka codsaday inay waddanka yimaadaan oo ka qayb-qaataan hawlaha ku saabsan doorashooyinka JSL.siiba xisbigeena Kulmiye

Intaa waxay raaciyey in ay lagama maarmaan tahay in laysku duubnaado dal iyo dibadba,waxaanu ku soo gunaanaday hadalkiisii dhiiri gelin iyo guubaabo,waxaanu talo dhaxal gal ah ka bixiyey in wadanka lagu soo laabto. Qof-walbana wixii ilaahay dheeraad siiyey ee uu ka soo kororsaday qurbaha uu dalkii hooyo ku soo kordhiyo hadey ahaan lahayd Hanti, Aqoon  Siyaasad iyo Maalgashi intaba.

Arkhristaha sharafta badanow markeynu eegayno xaga dhaqanka, waxa aad markhaati iiga tihiin in Beesha Bariga Burco lagu ma-jiirto makhaalufo, isku duubnaan, , isu tanaasul, iyo iney yihiin dad aan iska daba hadal ama  aan ku bad-neyn Shirarka jaaraa,iid ee la qabto.

Taasi waxaan markhaati uga dhigan karaa sidii isku duubnida aheyd ee ay uga dhabeeyeen riyadoodii ku dhisnayd in mar uun Xisbiga Kulmiye taladda gacanta ku dhigo. taasi oo dhalisay in Md. Madaxweyne Axmed Maxamed.Maxa,ud (Silaanyo) uu noqdo Madaxweynaha Somaliland, waxay kaloo ay dhalisay in ay tariikhada Xisbiga Kulmiye gashey iney 80 cod ku tanaasulaan, lakiin wareegii labaad iyadoo hadana tacab badan la geliyey

hadana waa laga midho.dhaliyey.

Shirka ayaa lagu soo qaaday . inay dhici-karto in Beeshu dareen qabto . Haddana aanu ahayn mid si dhib yar uga Weecin-karta taageerada Xisbiga Kulmiye , iyadoo uu xubin ka mid ahi. uu doodiisa sababaynayey shirka la qabtay arrinkaasi. Ayaa Hadana waxaa layska qiray shirkaasi in Beeshani (Bariga Burco) ay tahay . Beeshii ugu weynayd ee rukunka u Taagtay Xukuumadda Kulmiye ee taladda haysa. Waxkasta oo dhaca  ama  waajibku  ahaa. hadana Waxaa shirka laga qiray in aanay cabanin, taasi oo ay marag ka ahay. Aamusnaan Xaq-dhowr Iyo Gobanimo ay samayeen.

Qaar ka midda xubnaha Beesha ee shirka ka qayb-galay . ayaa sheegay in aanay ahayn Beel fudayd iyo guur-guur lagu Xanto. Balse markasta taageeradoodu weli ay halkeedi weli taagan tahay.waxaanu sheegay in beeshan aan looga fadhiyin in ay weecan karto tub kasta oo loo maraayo Guusha Kulmiye. sidaana ugu xidhnaan doonto xisbiga Kulmiye oo ay hiil iyo hooba isla garab  istagayaan.

Shirkaasi ayaa  waxa uu ku dhamaaday Guul iyo Gobanimo. waxaana la soo Geba.gebeeyay Abaarihii 20:43Pm wuxuuna u dhacay jawi aad u wanaagsan oo farxad laga dheehanayay dadkii goobta iskugu yimi dhamaantood.

Xigasho

lonnn

Burcoonline

London.UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here