Siyaasiyiin Balan Qaadyo Ilaashanaya Oo Daaray Mawjado Laga Dhegaysto Musicka Durbaano Ay Tumeen

0
521

Tartanka CODKA Beelaha Burco,Xod-Xodashada Murashaxiinta Iyo Qasridoonka Oo Burjiga Dhigay Mooro Ka Curatay Codbixiyaasha Bariga

Murashaxiinta Xisbiyada ee qasridoonka ayaa uxamaam uruursanaya magaalada BURCO taas oo saldhig unoqonaysa duulaankooda siyaasadeed isla markaana ay ka bilaabayaan ciyaarta kala jiidashada cudbixiyayaasha ee gobolka togdheer.

 Xogo lagu kalsoon yahay oo wargeyska SAHAN helayo ayaa tibaaxay in Murashaxiinta ku tartamaya doorashada Madaxtooyada dalku wadaan mooro lagu kala jiidanayo codka gobolka togdheer isla markaana ay diyaarsadeed haygii mid waliba ka degilahaa.

Shaxdan cusub ayaa muujinaysa cududa codka yaala gobolka togdheer oo murashaxiintu xod-xodanayso bulshada degta deegaanada kala duwan ee ku teedsan jiidaha isbarkan ee togdheer kuwaas oo ka shaqayntooda u adeegsanaya gacan yarayaal ka soo jeeda deegaanka oo udhego nugul isla markaana danahooda ka dhex arka murashaxa dhabartaabashada dariska kula noqdey.

Kala hororsiga codka beelaha dega gobolka ayaa ah kuwo luul lagu raaadinayo oo iyagu codbixintooda ku badelanaya balan-qaadyo adag oo ay la dhigtaan murashaxiinta xisbiyada ee quud daraynaya codkoda kuwaas oo heshiisyo culus oo codkooda badel unoqonaya ay la galaan.

Beelaha dega gobolka ayaa iyagu wadda qorshe ay salaadiin usaarayaan si kulamo fool ka fool ah ay ula qaataan murashaxiinta qasridoonka ah.

Sidoo kale waxaa jirra siyaasiyiin balanqaadyo wanaagsan ka haysta xisbiyada ay jaalka la yihiin kuwaas oo si ay mansabyadaa balanta ah ay ugu hirgalaan daaray mawjado laga dhageysto dhawaaqa durbaanada ay tumayaan.

Shacabka togdheer ayaa udheg taagaya qorshaha xulufada kala mabda ah ee ku dagaalamaya in ay doorashada ku guulaystaan waxaana soo ifaxaya durba kulamo joog hoose usocda oo si goos-goos ah ay murashaxiinta Muuse Biixi,Cabdiraxmaan Cirro Iyo Faysal Cal Waraabe La Galayaan Beelo ay u arkaan in codkoodu Madaxtooyada gaanshiin karro.

Walow  ay jirto caqabado badan oo hortaagan in murashaxiintu beelaha somaliland codka helaan taas oo sababta ugu weyn lagu macneeyey inay dabada ka meer-meerinayaan inay ka jawaabaan qorshaha heshiishyo ay lagaan.

Heshiisyadan oo la sheegay inay ka mid yihiin mansabyada xisbiga laga siin doono iyo saamiga ay ku yeelan doonan xukuumadda uu soo dhiso murashaxaa ay dhisayaan.

Balse waxaa ilaa imika aan umuuqan Murashaxiiinta xisbiyadu inaaney diyaar uhayn kuwo u xadhko xidhay inay ka soo baxaan balan-qaadyada beeluhu lagalaan.

 bur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here